Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Sameynta Qorshaha soo kabashada & u Adkaysiga Abaaraha Soomaaliya oo Maalintii Labaad ka socda Garowe+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Shirka Sameynta Qorshaha soo kabashada & u Adkaysiga Abaaraha Soomaaliya oo Maalintii Labaad ka socda Garowe+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

 Waxaa Maalintii Labaad Magaalada Garowe ee Xarunta Dowlad Gobaleedka Puntland ka socda Shir Wadatashi ah oo looga hadlayo Sameynta Qorshaha  soo kabashada iyo u adkaysiga abaaraha Soomaaliya ee- Recovery and Reselience Framework”.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya isla markaana ay ka qeyb galayeen Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socda Dowlad Gobaleedyada dalka ayaa waxaa si weyn diirada loogu saaray Mudnaansiinta waxyaabaha ay tahay in dib u kabasho dalka uu ka sameeyo.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Qaadir Aadan Maxamed ayaa sheegay in Barnaamijkan soo kabashada uu yahay qorshe weyn oo la doonayo in lagu soo nooleeyo Kaabayaasha dhaqaalaha oo ay saameyn weyn ku yeesheen Abaarihii dalka ka dhacay, wuxuuna sheegay in la isla gartay 130-Talaabo oo wax looga qabanayo abaaraha.

“Barnaamijkaan soo kabashada waa qorshihii ugu weynaa ka dib sameynta qorshaha hormarinta qaranka, wada tashi wanaagsan ayaa la galiyay, gobolada dhan waa la tagay,waxaa kasoo baxay 130 talaabo oo ay tahay in la qaado si wax looga qabto abaaraha loona soo celiyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, sida Xoolaha oo kale, beeraha, biyaha iyo waxyaabaha soo raaca”ayuu yiri Agaasimaha Guud.

Shirkan oo socon doona muddo 4 cisho ah, ayaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed Maalinta Jimcaha.

Previous Post

Daawo Sawirro: Dhibbane qaba cudurka Kansarka oo dalbaday gar gaar Caafimaad

Next Post

Wararkii ugu Dambeeyay Degaanno Ciidamada Xoogga dalka ay kala wareegeen Maleeshiyada Al shabaab

Next Post
Wararkii ugu Dambeeyay Degaanno Ciidamada Xoogga dalka ay kala wareegeen Maleeshiyada Al shabaab

Wararkii ugu Dambeeyay Degaanno Ciidamada Xoogga dalka ay kala wareegeen Maleeshiyada Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In