Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Daah furay Ololaha Iskutashiga ee wax u qabashada dadka Barakacayaasha ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Daah furay Ololaha Iskutashiga ee wax u qabashada dadka Barakacayaasha ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 16 Maarso 2018–Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo daah furay ololaha isku-tashiga ee wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka dadka barakacayaasha ayaa ku bogaadiyey bulshada Gobolka sida ay ugu istaageen wax u qabashada dadka danyarta ah.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in isku tashiga iyo wax wada qabsiga bulshada ay asaas u tahay qorshe yaasha lagu xallinayo dhibaatooyinka haysta barakacayaasha ku nool gobolka Benaadir, maadama ay tahay arrin loo baahnayahay in ay u midoobaan maamulka iyo shacabka.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

“Waxaan dhammaanteen wada aaminsannahay muhiimadda ay leedahay in dadkeenna barakacayaasha ah ee duruufta adag la nool aynu garab siinno, taasina ma imaaneyso haddii aan ku tiirsanaanno deeq bixiyaasha oo kaliya. Waa in aan cududeenna u mideynaa sidii aan nolol karaamo leh ugu abuuri lahayn walaalaheen.”

Eng. Yariisow ayaa sheegay in barakacayaal kor u dhaafaya shan boqol oo kun oo qof ay ku noolyihiin gobolka Benaadir, badan-kooduna ay ku tiirsan yihiin shaqo maalmeed ay kala soo baxaan nolol maalmoodkooda, balse bisha barakeysan ee Ramadaan uu soo food saaro culeys la xiriira fulinta shaqooyinkas iyagoo sooman.

“Same-falka waxa si weyn noogu booriyey diinteenna suuban, sidaas darteed waa in kaalin muhiim ah ka qaadanna sidii aan afurin ugu sameyn lahayn kumanaanka barakacayaasha ah ee gudanaya waajibaadka soonka, waana arrin kor u qaadaya dareenka walaaltinimo ee aynu u hayno dadka danyarta ah.”

Guddoomiyaha Gobolka ayaa tilmaamay in afarta sano ee soo socota mudnaanta la siin doono sidii dib u deegaameyn dhammeystiran loogu sameyn lahaa barakacayaasha, isagoo ugu baaqay dhammaan shacabka in kaalin muhiim ah ay ka qaataan xal u helidda barakacayasha, maadaama ay kaalin muhiim ah ay ka qaadan karaan koboca dhaqaalaha iyo horumarka gobolka.

 –DHAMMAAD–

Previous Post

Dowladda Shiinaha oo dib u bilaabaysa dhismaha xarumo muhiim ah

Next Post

Dhageyso: Ciidamada xoogga Dalka oo 30 ka tirsanaa maleyshiyada Al-shabaab ku dilay Gobalka Hiiraan

Next Post
Dhageyso: Ciidamada xoogga Dalka oo 30 ka tirsanaa maleyshiyada Al-shabaab ku dilay Gobalka Hiiraan

Dhageyso: Ciidamada xoogga Dalka oo 30 ka tirsanaa maleyshiyada Al-shabaab ku dilay Gobalka Hiiraan

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In