Thursday, January 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho “Dawladda Masar waxay gacan ka geysan doontaa Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Caasimadda”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho “Dawladda Masar waxay gacan ka geysan doontaa Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Caasimadda”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Masar u fadhiya Soomaaliya  Danjire Mowliid Ismaaciil iyo madax ka socotay Bangiyada dalkaas oo Soomaaliya u soo gaaray sidii ay maalgashi ugu sameyn lahaayeen.

Duqa Muqdisho iyo wafdi ka socday dalka Masar ayaa kulankooda diiradda ku saaray goobaha Caasimadda ee u baahan in maalgashi lagu sameeyo, si dhalinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro shaqo.

Related posts

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

January 1, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

January 1, 2026

Guddoomiyuhu waxuu uga  mahad celiyay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal, iyo sida ay diyaar ugu yihiin xoojinta xiriirkaas. Isagoo xusay muhiimadda ay dalka u leedahay in maalgashi lagu sameeyo, gaar ahaan magaalada Caasimadda ah ee  soo kabanaysa.

“Dawladda Masar waxay gacan ka geysan doontaa Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Caasimadda, waxaan isla soo qaadnay meelaha u baahan maalgashiga, si fursadaha ka dhasha maalgashigaas ay shaqooyin ugu abuuraan dhalinyarada Soomaaliyeed”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Danjiraha dalka Masar Soomaaliya u fadhiya Mowliid Ismaaciil ayaa kulanka ka sheegay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya, maadaama ay labada dal leeyihiin xiriir soo jireen ah.

 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida R/Wasaarihii hore ee Jabuuti Marxuum Barkat Gourad

Next Post

Aqalka Sanate-ka Mareykanka oo u codeeyay soo afjaridda dagaalka Milatari ee Yeman

Next Post
Aqalka Sanate-ka Mareykanka oo u codeeyay soo afjaridda dagaalka Milatari ee Yeman

Aqalka Sanate-ka Mareykanka oo u codeeyay soo afjaridda dagaalka Milatari ee Yeman

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

January 1, 2026
0

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Jabad-godane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

January 1, 2026
0

Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta soo gaaray magaalada...

Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.

Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.

January 1, 2026
0

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay wargelin rasmi ah oo lagu amray dhammaan...

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

January 1, 2026
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo dhigay hirgelinta go’aankii hore ee ahaa in qof...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In