Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobalka Shabeellaha hoose oo ka Warbixiyay Horjoogayaasha Al shabaab ee Gacanta lagu dhigay

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Maamulka Gobalka Shabeellaha hoose oo ka Warbixiyay Horjoogayaasha Al shabaab ee Gacanta lagu dhigay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeellaha hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ka warbixiyay Howlgalo ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay ka sameeyeen degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeelaha hoose oo lagu soo qabtay Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada Al shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay Howlgalkan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, Maamulka Degmada Awdheeegle iyo Kan Gobalka inay kusoo qabteen Horjoogihii Al shabaab ee Gobalada Banaadir iyo Labada Shabeelle iyo Sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaadka.

โ€œHowlgalo beryahaanba socday ayaa waxaa laga fulinaayay Degmooyin ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose oo ay ka mid tahay Degmada Awdheegle, waxaana iska kaashaday ciidanka Kumaandooska, Maamulka degmada Awdheegle iyo kan Gobalka Shabeelaha, waxaa u suura gashay in gacanta lagu soo dhigo Amiirkii Maaliyada Gobalada Banaadir iyo Labada Shabeelada ee kooxda Al shabaab oo la yiraaahdo Sheekh Cabdi kariin Abuu Xamza iyo Sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaadka oo la yiraahdo Sheekh Muudeey oo lagu sheegay inuu kusoo tababartay Dhankaas iyo Beershiyaโ€ayuu yiri

Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in Mid ka mid Horjoogayaasha uu isku dayay inuu dagaal la galo ciidamada Kumaandooska xiligii lasoo qabanay, waxaana si awood leh gacanta ugu dhigay Ciidanka Dowlada, iyadoo la dilay Maleeshiyadii la socotay halka midka kalena uu sheegay in laga soo qabtay isagoo gurigiisa jiifa.

โ€œWaxaa lagu qabtay Degmada Awdheegle, qaar si nabad ah dagaal laโ€™aan ayaa lagu qabtay oo guryahooda ayaa loogu daatay, qaarna Maleeshiyaad iyo ciidan ayay wateen dagaal ayay isku dayeen waa laga awood roonaaday, Maleeshiyaadkoodana qaar way ka cararaeen qaarna howlgalka ayaa lagu dilay isku meel laguma soo qaban labadaan shaqsi midna waxaa lagu qabtay isagoo Saldhigiisa jooga halka mid kalena gurigiisa isagoo jiifa loogu galay lana soo qabtayโ€

Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeellaha hoose ayaa ugu dambeyn sheegay maalmaha soo aadan ay bilaaban doonaan Howlgalo kale oo ciidamada Dowlada ay ka sameyn doonaan degmooyin ka tirsan Gobalka Shabeellaha hoose.

Previous Post

Kumaandooska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay horjoogayaal ka tirsan Alshabaab

Next Post

Madaxweynahaย JFS oo Tababar usoo xiray Urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed โ€œSawirroโ€

Next Post
Madaxweynahaย JFS oo Tababar usoo xiray Urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed โ€œSawirroโ€

Madaxweynahaย JFS oo Tababar usoo xiray Urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed โ€œSawirroโ€

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In