Thursday, May 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo duqeyn ku dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo duqeyn ku dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo Xoojinaya Iskaashigooda dhanka Istaraatiijiyadda ah

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo Xoojinaya Iskaashigooda dhanka Istaraatiijiyadda ah

May 6, 2026
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaabilay Madaxda IOM ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaabilay Madaxda IOM ee Soomaaliya

May 6, 2026

War ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareynkanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka oo kaashanaya Dowladda Soomaaliya subaxnimadii isniinta oo taariikhda ku beegneyd 19-ka bisha March duqeyn ka dhan ah Kooxda argagixisada Al-Shabaab ka fuliyay meel u dhow deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha hoose,waxaana halkaasi lagu dilay labo ka mid ah kooxda Al-Shabaab,saddex kalena waa lagu dhaawacay halka gaari looga bur buriyay duqeynta.

Dowladda Mareynkanka ayaa sheegtay iney sii wadi doonto taageerada ay siineyso Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM si loo yareeyo qataraha Argagixisada Al-Shabaab loona bartilmaameedsado xarumahooda tababarka iyo goobaha kale ay ku dhuumaaleysanayaan ee Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka.

Iyadoo lala kaashanayo saaxiibada caalamka,Dowladda Mareynkanka waxaa go’an in la siiyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo AMISOM taageerada dagaalka ka dhanka ah rabshadaha kooxaha xagjirka ah,ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareynkanka ee Afrika.

Maleeshiyada Al-Shabaab iyo Horjoogayaashooda ayaa ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah Gobollada dalka,iyagoo ka baqaya howlgalka wadajirka ay ku qaadayaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed,AMISOM iyo Ciidamada Mareynkanka ee caawinaya.

SONNA

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo Tababar usoo xiray Urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed “Sawirro”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo “Maxaabiis kaliya ma ilaalineysaan ee hawlgallada xoreynta dalka ayaad ka qeyb qaadaneysaan”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo “Maxaabiis kaliya ma ilaalineysaan ee hawlgallada xoreynta dalka ayaad ka qeyb qaadaneysaan”

Madaxweyne Farmaajo “Maxaabiis kaliya ma ilaalineysaan ee hawlgallada xoreynta dalka ayaad ka qeyb qaadaneysaan”

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo Xoojinaya Iskaashigooda dhanka Istaraatiijiyadda ah

Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo Xoojinaya Iskaashigooda dhanka Istaraatiijiyadda ah

May 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta kulan la yeeshay...

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaabilay Madaxda IOM ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo qaabilay Madaxda IOM ee Soomaaliya

May 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Ayuub Ismaaciil ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda International Organization...

Dowladda oo ku guuleysatay in Soomaaliya markii ugu horeysay laga furo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM

Dowladda oo ku guuleysatay in Soomaaliya markii ugu horeysay laga furo Xafiiska Sare ee Xuquuqul Insaanka QM

May 6, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay meteleyso Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo Xafiiska...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo la kulantay Safiirka Qatar

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo la kulantay Safiirka Qatar

May 6, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed, Dr. Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan gaar ah la yeelatay Danjiraha Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In