Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo duqeyn ku dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo duqeyn ku dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

War ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareynkanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka oo kaashanaya Dowladda Soomaaliya subaxnimadii isniinta oo taariikhda ku beegneyd 19-ka bisha March duqeyn ka dhan ah Kooxda argagixisada Al-Shabaab ka fuliyay meel u dhow deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha hoose,waxaana halkaasi lagu dilay labo ka mid ah kooxda Al-Shabaab,saddex kalena waa lagu dhaawacay halka gaari looga bur buriyay duqeynta.

Dowladda Mareynkanka ayaa sheegtay iney sii wadi doonto taageerada ay siineyso Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM si loo yareeyo qataraha Argagixisada Al-Shabaab loona bartilmaameedsado xarumahooda tababarka iyo goobaha kale ay ku dhuumaaleysanayaan ee Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka.

Iyadoo lala kaashanayo saaxiibada caalamka,Dowladda Mareynkanka waxaa go’an in la siiyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo AMISOM taageerada dagaalka ka dhanka ah rabshadaha kooxaha xagjirka ah,ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareynkanka ee Afrika.

Maleeshiyada Al-Shabaab iyo Horjoogayaashooda ayaa ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah Gobollada dalka,iyagoo ka baqaya howlgalka wadajirka ay ku qaadayaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed,AMISOM iyo Ciidamada Mareynkanka ee caawinaya.

SONNA

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo Tababar usoo xiray Urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed “Sawirro”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo “Maxaabiis kaliya ma ilaalineysaan ee hawlgallada xoreynta dalka ayaad ka qeyb qaadaneysaan”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo “Maxaabiis kaliya ma ilaalineysaan ee hawlgallada xoreynta dalka ayaad ka qeyb qaadaneysaan”

Madaxweyne Farmaajo “Maxaabiis kaliya ma ilaalineysaan ee hawlgallada xoreynta dalka ayaad ka qeyb qaadaneysaan”

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In