Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga “Waa fikrad wanaagsan in Ciidamadu ay isticmaalaan dalagyada ka soo go’a Dalka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga “Waa fikrad wanaagsan in Ciidamadu ay isticmaalaan dalagyada ka soo go’a Dalka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankani uu Wasiirka Gaashaadhigga Soomaaliya la yeeshey taliyaasha ciidamada Xoogga Dalka, Nabad Sugidda iyo Asluubta oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka ayaa ujeedkiisu ahaa soo bandhigista qorshe saadka ama raashiinka ciidanka qalabka sida loogu bedelayo dalagga ka baxa dalka, iyadoo ugu horeyn Wasiirku uu salaam sharaf ka qaatay ciidanka bambayda xoogga Dalka, waxaana goobtasi lagu soo bandhigay noocyo kaladuwan oo cunada dalka ka baxda.

Ugu horeyn taliyaha Saadka ee ciidanka Xooga Dalka Gaashaanle sare Maxamed Maxmuud Garabay ayaa sharaxay qorshahaasi oo lagu tijaabiyay ciidanka ku sugan xarunta Villa Baydhabo,wuxuuna sheegay in uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya dalagga ka baxa Dalka iyo kan dibadda laga keeno,islamarkaana qarash ahaan iyo tayo ahaanba kan dalka kabaxa uu leeyahay faa’iido aad u wanaagsan.

Related posts

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Sareeyo Gaas Cabdi-weli Jaamaca Xuseen (Gorod) oo lahaa fiikirkan iyo taliyaha ciidanka Alsuubta Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa ka hadlay ahmiyadda qorshahani,waxaana ay balanqaadeen in xooga ay saari doonaan sidii loo dhaqan gelin lahaa qorshahani si bulshada Soomaaliyeed uu ugu noqdo mid faa’iido badan u leh xagga dhaqaalaha.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa feker fiican ku tilmamaay in ciidanka xooggu ay isticmaalaan Dalagyada ka soo go’a dalka.

‘’Waa arrin aad u wanaagsan fikirkan,dalkasta waxaa uu leeyahay khayraad uu isticmaalo oo u gaar ah,marka anaga waxaan kaga bixi karnaa dhibaatada in aan horumarino dalagyada dalka ka baxa,taasi ayaa inoo sahlaysa in aan ka badbaadno in aan gacmaha hoorsano’’.Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Previous Post

Qarax carruur ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen oo ka dhacay Gaalkacyo

Next Post

Dood cilmiyeed ku saabsan Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay “SAWIRRO”

Next Post
Dood cilmiyeed ku saabsan Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay “SAWIRRO”

Dood cilmiyeed ku saabsan Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay "SAWIRRO"

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In