Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Axmed Ciise Cawad “Miraha heshiiskani waa mustaqbalka Dhallinyaradeena”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiir Axmed Ciise Cawad “Miraha heshiiskani waa mustaqbalka Dhallinyaradeena”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasriirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawed, ayaa sheegay inuu ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika uu fursad weyn u yahay Soomaaliya.

Wasiir Cawad oo ka hadlayay shir madaxeedka Tobanaad ee Hoggaamiyeyaasha Afrika ee Shalay ka qabsoomay magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Ruwanda ayaa intaa ku daray in Afrika laga doonayo inay ka dhabayso hindisaheeda, iyadoo lagu bixinayo dadaal mug leh si loo gaaro horumar wadaag ah, laguna xisaabtamo inay Dunida maanta si xowli ah isu beddelayso.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shirka ku matalayay Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay inay codkeeda ku biiriso taageeridda heshiiskan Taariikhiga ah iyo kordhinta isdhexgalka ganacsi ee Waddamada Afrika, si isbaddal loogu sameeyo dhaqaalaha Qaaradda.

Wasiirka ayaa sheegay in wax wadaagiddu ay fursado waaweyn siinayso shacabkeenna, isla markaana ay ku dedaalayaan ka jibba-gaadhidda filshada dhaqaale ee Dalka, ayna Afrika wadajir u gaari karto koboc dhaqaale.

Ganacsiga xorta ah ayuu sheegay inuu yahay tallaabbo lagama maarmaan ah oo loo baahnaa, si loo horumariyo Afrika oo barwaaqo ah, isagoo miraha heshiiskan ku tilmaamay muqstaqbalka Dhallinyaradeenna iyo jiilka soo koraya, wuxuuna sheegay inuu yahay heshiiska mid xoojinaya wadajirka, madaxbannaanida, xaqiijinta karaamada iyo adkaynta nidaamka Dowliga ah ee Soomaaliya.

“Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika waa tallaabo lagama maarmaan ah oo loo baahnaa si loo horumariyo Afrika oo barwaaqo ah, miraha heshiiskanna waa mustaqbalka dhalinyaradeenna iyo jiilka soo baxaya, waxaa intaasi oo dhan ka sii muhiimsan wuxuu xoojinayaa wadajirkeena, wuxuu dhowrayaa madax bannaanideena, wuxuu xaqiijinayaa karaamadeena iyo waxa uu sare yeelayaa heerka aan ka joogno nidaamka dowliga ah” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in waddooyin cusub loo marayo sidii loo ballaarin lahaa ganacsiga iyo maalgashiga Qaaradda, wuxuuna xusay in looga baahan yahay inay qabtaan ka Qaarad ahaan iyo Soomaaliyaba, isagoo intaa raaciyay inay dirayaan farriin Qaaradeed oo culus, si ay ugu soo dhalaalaan aaya ka talintooda iyo xoojinta ka dhabaynta astaanta ku suntan Qaaradda barwaaqada ah.

Cawad ayaa ku cel-celiyay inay Soomaaliya ballan qaadayso inay is barbar taagto oo la shaqayso Ururka Midowga Afrika, si loo sugo meelmarinta heshiiskan iyo fulintiisa, taasoo uu ku tilmaamay inay faa’iido gaar ah u leedahay Dadkeenna iyo jiilalka soo korayaba.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa ugu dambayntii kalsooni buuxda ka muujiyay in heshiiskani uu yahay midkii u saldhigay mustaqbal barwaaqeysan oo ay Qaaraddeenna yeelato iyo marxalad cusub oo iskaashi iyo horumar dhaqan-dhaqaale ah oo ay yeeshaan Dowladaheenna iyo shucuubteenna.

Previous Post

Xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee Bariga Afrika oo laga shirayo

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo furay shirka Madasha hanaanka Qaran ee Dowladdaha hoose “Sawirro”

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo furay shirka Madasha hanaanka Qaran ee Dowladdaha hoose “Sawirro”

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In