Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Axmed Ciise Cawad “Miraha heshiiskani waa mustaqbalka Dhallinyaradeena”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiir Axmed Ciise Cawad “Miraha heshiiskani waa mustaqbalka Dhallinyaradeena”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasriirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawed, ayaa sheegay inuu ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika uu fursad weyn u yahay Soomaaliya.

Wasiir Cawad oo ka hadlayay shir madaxeedka Tobanaad ee Hoggaamiyeyaasha Afrika ee Shalay ka qabsoomay magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Ruwanda ayaa intaa ku daray in Afrika laga doonayo inay ka dhabayso hindisaheeda, iyadoo lagu bixinayo dadaal mug leh si loo gaaro horumar wadaag ah, laguna xisaabtamo inay Dunida maanta si xowli ah isu beddelayso.

Related posts

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shirka ku matalayay Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay Soomaaliya ugu diyaarsan tahay inay codkeeda ku biiriso taageeridda heshiiskan Taariikhiga ah iyo kordhinta isdhexgalka ganacsi ee Waddamada Afrika, si isbaddal loogu sameeyo dhaqaalaha Qaaradda.

Wasiirka ayaa sheegay in wax wadaagiddu ay fursado waaweyn siinayso shacabkeenna, isla markaana ay ku dedaalayaan ka jibba-gaadhidda filshada dhaqaale ee Dalka, ayna Afrika wadajir u gaari karto koboc dhaqaale.

Ganacsiga xorta ah ayuu sheegay inuu yahay tallaabbo lagama maarmaan ah oo loo baahnaa, si loo horumariyo Afrika oo barwaaqo ah, isagoo miraha heshiiskan ku tilmaamay muqstaqbalka Dhallinyaradeenna iyo jiilka soo koraya, wuxuuna sheegay inuu yahay heshiiska mid xoojinaya wadajirka, madaxbannaanida, xaqiijinta karaamada iyo adkaynta nidaamka Dowliga ah ee Soomaaliya.

“Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika waa tallaabo lagama maarmaan ah oo loo baahnaa si loo horumariyo Afrika oo barwaaqo ah, miraha heshiiskanna waa mustaqbalka dhalinyaradeenna iyo jiilka soo baxaya, waxaa intaasi oo dhan ka sii muhiimsan wuxuu xoojinayaa wadajirkeena, wuxuu dhowrayaa madax bannaanideena, wuxuu xaqiijinayaa karaamadeena iyo waxa uu sare yeelayaa heerka aan ka joogno nidaamka dowliga ah” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in waddooyin cusub loo marayo sidii loo ballaarin lahaa ganacsiga iyo maalgashiga Qaaradda, wuxuuna xusay in looga baahan yahay inay qabtaan ka Qaarad ahaan iyo Soomaaliyaba, isagoo intaa raaciyay inay dirayaan farriin Qaaradeed oo culus, si ay ugu soo dhalaalaan aaya ka talintooda iyo xoojinta ka dhabaynta astaanta ku suntan Qaaradda barwaaqada ah.

Cawad ayaa ku cel-celiyay inay Soomaaliya ballan qaadayso inay is barbar taagto oo la shaqayso Ururka Midowga Afrika, si loo sugo meelmarinta heshiiskan iyo fulintiisa, taasoo uu ku tilmaamay inay faa’iido gaar ah u leedahay Dadkeenna iyo jiilalka soo korayaba.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa ugu dambayntii kalsooni buuxda ka muujiyay in heshiiskani uu yahay midkii u saldhigay mustaqbal barwaaqeysan oo ay Qaaraddeenna yeelato iyo marxalad cusub oo iskaashi iyo horumar dhaqan-dhaqaale ah oo ay yeeshaan Dowladaheenna iyo shucuubteenna.

Previous Post

Xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee Bariga Afrika oo laga shirayo

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo furay shirka Madasha hanaanka Qaran ee Dowladdaha hoose “Sawirro”

Next Post

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo furay shirka Madasha hanaanka Qaran ee Dowladdaha hoose “Sawirro”

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
0

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026
0

Muqdisho, 10 Luulyo 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo...

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

July 10, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta lagu daah-furay xarunta dhexe ee Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In