Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Aqalka Sare ee dalka oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya+Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Golaha Aqalka Sare ee dalka oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka Golaha Aqalka sare ee dalka ayaa waxaa shir guddoomiyey guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ugu horeyn kulanka ayaa waxaa warbixinta akhrinta  koowaad laga dhageystay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saalim Caliyoow Ibroow oo si faah-faahsan u akhriyey sharcigaas.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya Mudane Saalim Caliyow Ibrow ayaa sheegay in sharcigaan uu yahay mid muhiim u ah dalka, islamarkaana uu ahmiyad gaar ah ugu fadhiyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa magacaabay guddi dabagal iyo baaris ku sameeya sababtii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) guddigaas oo ka kooban ilaa iyo 6-xubnood, waxaana  guddigaasi aqbalay Golaha oo la horkeenay.

Guddigaan lixda xubnood ka kooban ayaa waxaa guddoomiye u ah Sanatar Maxamed Amiin waxaana  looga fadhiyaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku soo gudbiyaan warbixin dhammeystiran.

Kulanka guud ee Golaha Aqalka Sare  ayaa Ajendaha lagu soo daray xaaladda Sohdinta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya,  gaar ahaan degmada Beled-xaawo, Senator Cabdi Ismaaciil Far-taag ayaana soo gudbiyey warbixinta ka hadleysa xaaladda Xudduudda.

“Waxaan ka mid ahaa wafdi horay u tagay Balad Xaawo oo uu horkacayay wasiirkii hore Arrimaha Gudaha, waxaana xiligaas baaritaano ku soo samaynay sida ay wax u jiraan waxaa loo baahan yahay in arintan loo istaago”ayuu yiri Sanatar Fartaag.

Qodobkaas la xiriira arinta Balad Xaawo ayaa la geliyey dood iyadoo laba aragti la soo jeediyey oo mid ka mid ahna ay tahay in loo yeero wasiirrada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha iyo wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Cadaalada XFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo dib u eegista barnaamijka Cadaaladda Soomaaliya.

Next Post

24 March Maalinta caalamiga ah ee ka hortagga cudurka Qaaxada

Next Post
24 March Maalinta caalamiga ah ee ka hortagga cudurka Qaaxada

24 March Maalinta caalamiga ah ee ka hortagga cudurka Qaaxada

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Beerta Nabadda kulan kula yeeshay suxufiyiinta warbaahinta...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026
0

Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay shirka Talisyada Qaybaha Ciidanka Dhulka, kaas oo uu...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY TALISKA GUUTADA 77 EE CXDS OO DIB U DHIS BALLAARAN LAGU SAMEEYAY

July 9, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dib u dhis iyo casriyeyn ballaaran oo...

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Brazil oo Madaxweynaha Brazil u gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga

July 9, 2026
0

Safiirka Aan Deggenayn ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Brazil Mudane Dr. Omar Dufle, ayaa maanta Madaxweynaha Brazil,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In