Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

24 March Maalinta caalamiga ah ee ka hortagga cudurka Qaaxada

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
24 March Maalinta caalamiga ah ee ka hortagga cudurka Qaaxada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026

Maanta oo kale ayaa loo aqoonsaday in ay tahay maalinta caalamiga ee ka hot tagga cudurka Qaaxada,waxaana dadka caalamka ku nool laga wacyi galiyaa halista caafimaad darro ee ka dhalan karta cudurka Qaaxada ama Tb-da, sida loola macaamilo bukaanka cudurkaasi qaba iyo sidii ka hortagi lahaa.

Cudurkan oo ku badan wadamada saboolka ah ayaa sanad kasta wuxuu ku dhaca dad ka badan 6-milyan oo Ruux, kuwaas oo 1.5-milyan oo ka mid ah ay u dhintaan.

Dalkeena Soomaaliya oo ka mid ah meelaha cudurkan uu ka jiro ayaa maanta waxaa magaalooyin badan ka dhacaya baraarujin ku aadan halista cudurka Qaaxada.

Waa maxay Qaaxo?

Cudurkaan Qaaxada waxaa sababa Bakteeriya loo yaqaano Mycobacterium tuberculosis, Bakteeriyadaan ayaa ah mid la isugu gudbiyo hawada.

Qaaxo waa cudur faafa oo ka mid ah kuwa ugu qatarta badan dunida, xanuunkaan wuxuu saameeyaa in badan oo ka mid ah dadka dunida ku nool gaar ahaan wadamada soo koraya.

Astaamaha qaaxada:-

Dhidid xilliga habeenkii, Qufac raaga ilaa 3 todobaad kaasoo mararka qaar uu dhiig la socdo, Xabad xanuun, Itaal yari, Qandho, Qarqaryo, Cunada oo qofka ka hortimaada Miisaanka qofka  oo yaraada iyo

Xanuun qofku dareemo marka uu neefta qaadanayo ama qufacayo.

Qaaxadu waxay kaloo saamaysaa xubno kala duwan oo jirka ah sida, xangulaha, kelyaha, maskaxda iyo xataa hab tarankaba. Astaamaha ay sababto xiliyadan waxay ku xiran tahay hadba xubinta ay saamaysay, tusaale hadii ay xungulaha saamayso waxaa qofku dareemaa dhabar xanuun.

Bakteeriyada sababta xanuunka qaaxada ayaa qaar ka mid ah daawooyinka awood u leh inay iska caabiso, taasoo aan si sahal ah loo ciribtiri karin. Inta badan waxaa lagu daweeyaa daawooyin soconaya ilaa saddex isbuuc ilaa 6 bilood si loo ciribtiro bakteeriyada.

 

Previous Post

Golaha Aqalka Sare ee dalka oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya+Sawirro

Next Post

WAR GELIN DEG DEG AH

Next Post
Khudbadihii madaxda ee xafladda caleemasaarka madaxweynaha Galmudug oo socota

WAR GELIN DEG DEG AH

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyay Dastuurka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, taasoo si...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
0

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir...

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In