Monday, September 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

24 March Maalinta caalamiga ah ee ka hortagga cudurka Qaaxada

admin by admin
March 25, 2018
in Wararka
0
24 March Maalinta caalamiga ah ee ka hortagga cudurka Qaaxada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

September 8, 2025
Wasiirka Qoyska oo kulan la yeelatay Wakiilka gaarka ah ee UNICEF

Wasiirka Qoyska oo kulan la yeelatay Wakiilka gaarka ah ee UNICEF

September 8, 2025

Maanta oo kale ayaa loo aqoonsaday in ay tahay maalinta caalamiga ee ka hot tagga cudurka Qaaxada,waxaana dadka caalamka ku nool laga wacyi galiyaa halista caafimaad darro ee ka dhalan karta cudurka Qaaxada ama Tb-da, sida loola macaamilo bukaanka cudurkaasi qaba iyo sidii ka hortagi lahaa.

Cudurkan oo ku badan wadamada saboolka ah ayaa sanad kasta wuxuu ku dhaca dad ka badan 6-milyan oo Ruux, kuwaas oo 1.5-milyan oo ka mid ah ay u dhintaan.

Dalkeena Soomaaliya oo ka mid ah meelaha cudurkan uu ka jiro ayaa maanta waxaa magaalooyin badan ka dhacaya baraarujin ku aadan halista cudurka Qaaxada.

Waa maxay Qaaxo?

Cudurkaan Qaaxada waxaa sababa Bakteeriya loo yaqaano Mycobacterium tuberculosis, Bakteeriyadaan ayaa ah mid la isugu gudbiyo hawada.

Qaaxo waa cudur faafa oo ka mid ah kuwa ugu qatarta badan dunida, xanuunkaan wuxuu saameeyaa in badan oo ka mid ah dadka dunida ku nool gaar ahaan wadamada soo koraya.

Astaamaha qaaxada:-

Dhidid xilliga habeenkii, Qufac raaga ilaa 3 todobaad kaasoo mararka qaar uu dhiig la socdo, Xabad xanuun, Itaal yari, Qandho, Qarqaryo, Cunada oo qofka ka hortimaada Miisaanka qofka  oo yaraada iyo

Xanuun qofku dareemo marka uu neefta qaadanayo ama qufacayo.

Qaaxadu waxay kaloo saamaysaa xubno kala duwan oo jirka ah sida, xangulaha, kelyaha, maskaxda iyo xataa hab tarankaba. Astaamaha ay sababto xiliyadan waxay ku xiran tahay hadba xubinta ay saamaysay, tusaale hadii ay xungulaha saamayso waxaa qofku dareemaa dhabar xanuun.

Bakteeriyada sababta xanuunka qaaxada ayaa qaar ka mid ah daawooyinka awood u leh inay iska caabiso, taasoo aan si sahal ah loo ciribtiri karin. Inta badan waxaa lagu daweeyaa daawooyin soconaya ilaa saddex isbuuc ilaa 6 bilood si loo ciribtiro bakteeriyada.

 

Previous Post

Golaha Aqalka Sare ee dalka oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya+Sawirro

Next Post

WAR GELIN DEG DEG AH

Next Post
Khudbadihii madaxda ee xafladda caleemasaarka madaxweynaha Galmudug oo socota

WAR GELIN DEG DEG AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

September 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay...

Wasiirka Qoyska oo kulan la yeelatay Wakiilka gaarka ah ee UNICEF

Wasiirka Qoyska oo kulan la yeelatay Wakiilka gaarka ah ee UNICEF

September 8, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabishay...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Algeria

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Algeria

September 8, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan mira-dhal ah la yeeshay...

Dhamaystirka Siyaasadda Ilaalinta Bedqabka Rayidka oo laga wada hadlay

Dhamaystirka Siyaasadda Ilaalinta Bedqabka Rayidka oo laga wada hadlay

September 8, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka, Mudane Xildhibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In