Wednesday, July 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
9 months ago
in Wararka
0
Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuura Mustaf Mukhtaar, iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Guud ee 43-aad ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Cilmiga iyo Dhaqanka (UNESCO), kaas oo ka socda magaalada taariikhiga ah ee Samarkand, dalka Uzbekistan.

Wasiir Nuura ayaa madasha shirweynaha ka jeedisay khudbad dhinacyo badan taabanaysay, iyadoo faahfaahin ka bixisay xaaladda waxbarashada dalka iyo dadaallada dowladdu ugu jirto tayeynta iyo baahinta waxbarasho loo heli karo dhammaan ubadka Soomaaliyeed.

Related posts

Danjire Jibriil oo xarunta Safaaradda ku qaabilay Dr. Ezekiel Mutua

Danjire Jibriil oo xarunta Safaaradda ku qaabilay Dr. Ezekiel Mutua

July 28, 2026
Dowladaha Soomaaliya iyo Angola oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Angola oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal

July 28, 2026

Waxay si gaar ah u xustay kumannaan macallin oo la qaatay sannadihii ugu dambeeyay, iyo kuwo kale oo dhowaan la qaadan doono, si wax looga qabto baahida waxbarashada. Waxa ay sidoo kale ka hadashay dib-u-habeynta lagu sameeyay maamulka tacliinta sare, oo ay ugu horreyso ansixinta sharciga tacliinta sare iyo dhismaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka.

Ugu dambeyn, Wasiir Nuura ayaa bogaadisay iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo UNESCO, iyadoo amaantay mabaadii’da hay’adda oo ku dhisan wada-shaqeyn, aqoon kororsi, iyo isqaddarin dowladeed.

Previous Post

Taliyaha CXDS “howlgallada ‘Kaaha Waaberi’ iyo ‘Ileys’ ayaa si weyn u naafeeyay Khawaarijta”.

Next Post

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Next Post
Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Danjire Jibriil oo xarunta Safaaradda ku qaabilay Dr. Ezekiel Mutua

Danjire Jibriil oo xarunta Safaaradda ku qaabilay Dr. Ezekiel Mutua

July 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo uu wehliyo Safiir Ku-xigeenka Safaaradda, Mudane Mukhtaar Mahad...

Dowladaha Soomaaliya iyo Angola oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Angola oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Labada Dal

July 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan laba geesood ah...

Soomaaliya iyo Rwanda oo Xoojinaya Xiriirka  Diblomaasiyadda

Soomaaliya iyo Rwanda oo Xoojinaya Xiriirka Diblomaasiyadda

July 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa kulan laba geesood ah...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo Wadahadal dhanka Taleefanka la Yeeshay Dhiggiisa Dalka Urdun

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo Wadahadal dhanka Taleefanka la Yeeshay Dhiggiisa Dalka Urdun

July 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa maanta wadahadal dhinaca taleefanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In