Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhagar Qabayaal ka tirsan Al-Shabaab oo Xukun lagu riday+(Sawirro)

admin by admin
March 25, 2018
in Wararka
0
Dhagar Qabayaal ka tirsan Al-Shabaab oo Xukun lagu riday+(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda derejada 1aad ee ciidamada qalabka ee sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku ridday seddex eedeysane oo ka tirsan Al-Shabaab oo ciidamada amnigu soo qabteen iyagoo walxaha qarxa ku diyaarinayay guri ku yaal deegaanka ceelasha biyaha ee gobolka Shabeellada hoose.

Xukunkaan Maxkamadeed ayaa lagu riday eedaysanayaasha kala ah:-

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo furay kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta XFS oo furay kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

July 6, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacaawday xubnaha guddiga farsamo ee dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacaawday xubnaha guddiga farsamo ee dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo

July 6, 2025

1- Max’ed C/raxmaan Max’uud,ina Faadumo Sheekh C/llaahi,30jir ah ku dhashay Sh/hoose.

2- Jamaal Max’ed Cali,ina Wiilo Diiriye Jimcaale kuna dhashay Xamar.

3-Axmed Aadan Weerar, ina Dhabo Cilmi Xalane, kuna dhashay Xamar.

Xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida ayaa ku soo eedeeyay seddexdaan nin     ka mid noqosho urur hubaysan oo ku lid ku ah awoodaha qaranka (Qaran dumis).

Dood dheer kadib, Maxkamaddu markay aragtay eedii uu soo gudbiyay Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka sida, markay dhagaysatay qiraalka eedaysane Max’ed C/raxmaan Max’uud uu ka hor qirtay garsoorka ciidanka hortiisa,kuna cadeeyay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan qaybta qaraxyada, islamarkaana uu yahay horjoogaha shabaab u qaabilsan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye,islamarkaana uu ahaa Macallin bari jiray samaynta qaraxyada eedaysanayaasha 2aad iyo 3aad.

sidoo kale maxkamadda markay dhagaysatay qiraalka eedaysanayaasha Jamaal Max’ed Cali iyo Axmed Aadan Weerar ay ka hor qirteen garsoorka ciidanka hortiisa in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, gaar ahaan qaybta qaraxyada.

Markay dhagaysatay Maxkamadda Baaraha dacwada oo maxkamadda horteeda ka caddeeyay in seddexdaan eedaysane ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, waxaana maxkamadda horteeda lagu soo bandhigay Haan ay ka buuxaan walxaha qarxa oo lagu soo qabtay eedaysanayaasha.

Sidaa daraadeed Maxkamadda derejada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida waxaa u caddaatay in seddexda eedaysane ay yihiin danbiilayaal galay danbiyada lagu soo eedeeyay waxayna ku xukuntay:-

1- Max’ed C/raxmaan Max’ud Maxkamaddu waxay ku xukuntay Xabsi Daa’in.

Sidoo kale waxay Maxkamadda derejada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida min 10 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay eedaysanayaasha kala ah:- Jamaal Max’ed Cali iyo Axmed Aadan Weerar.

Gebagabadii Maxkamaddu waxay sheegtay in ciddii aan ku qanacsanayn Xukunka uu racfaan u furan yahay.

Previous Post

Soomaalida kunool Mareykanka oo olole ugu jira wax ka bedelka sharciga socdaalka Dalkaasi

Next Post

Ciidamada ammaanka oo ka hortagay Gaari siday walxaha qarxa

Next Post
Khudbadihii madaxda ee xafladda caleemasaarka madaxweynaha Galmudug oo socota

Ciidamada ammaanka oo ka hortagay Gaari siday walxaha qarxa

Wasiirka Warfaafinta XFS oo furay kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta XFS oo furay kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Muqdisho, 06 Luulyo 2025 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacaawday xubnaha guddiga farsamo ee dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacaawday xubnaha guddiga farsamo ee dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, Cali Xoosh ayaa magacaabay guddi ka kooban sideed...

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Isu...

Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

July 6, 2025
0

Guddiga Qaran ee Qaban-qaabada Toddobaadka Xorriyadda ee soo agaasimay munaasabadihii waaweynaa ee dalka ka dhacay ayaa galabta qabtay xaflad ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In