Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhagar Qabayaal ka tirsan Al-Shabaab oo Xukun lagu riday+(Sawirro)

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Dhagar Qabayaal ka tirsan Al-Shabaab oo Xukun lagu riday+(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamadda derejada 1aad ee ciidamada qalabka ee sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku ridday seddex eedeysane oo ka tirsan Al-Shabaab oo ciidamada amnigu soo qabteen iyagoo walxaha qarxa ku diyaarinayay guri ku yaal deegaanka ceelasha biyaha ee gobolka Shabeellada hoose.

Xukunkaan Maxkamadeed ayaa lagu riday eedaysanayaasha kala ah:-

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

1- Max’ed C/raxmaan Max’uud,ina Faadumo Sheekh C/llaahi,30jir ah ku dhashay Sh/hoose.

2- Jamaal Max’ed Cali,ina Wiilo Diiriye Jimcaale kuna dhashay Xamar.

3-Axmed Aadan Weerar, ina Dhabo Cilmi Xalane, kuna dhashay Xamar.

Xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida ayaa ku soo eedeeyay seddexdaan nin     ka mid noqosho urur hubaysan oo ku lid ku ah awoodaha qaranka (Qaran dumis).

Dood dheer kadib, Maxkamaddu markay aragtay eedii uu soo gudbiyay Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka sida, markay dhagaysatay qiraalka eedaysane Max’ed C/raxmaan Max’uud uu ka hor qirtay garsoorka ciidanka hortiisa,kuna cadeeyay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan qaybta qaraxyada, islamarkaana uu yahay horjoogaha shabaab u qaabilsan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye,islamarkaana uu ahaa Macallin bari jiray samaynta qaraxyada eedaysanayaasha 2aad iyo 3aad.

sidoo kale maxkamadda markay dhagaysatay qiraalka eedaysanayaasha Jamaal Max’ed Cali iyo Axmed Aadan Weerar ay ka hor qirteen garsoorka ciidanka hortiisa in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, gaar ahaan qaybta qaraxyada.

Markay dhagaysatay Maxkamadda Baaraha dacwada oo maxkamadda horteeda ka caddeeyay in seddexdaan eedaysane ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, waxaana maxkamadda horteeda lagu soo bandhigay Haan ay ka buuxaan walxaha qarxa oo lagu soo qabtay eedaysanayaasha.

Sidaa daraadeed Maxkamadda derejada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida waxaa u caddaatay in seddexda eedaysane ay yihiin danbiilayaal galay danbiyada lagu soo eedeeyay waxayna ku xukuntay:-

1- Max’ed C/raxmaan Max’ud Maxkamaddu waxay ku xukuntay Xabsi Daa’in.

Sidoo kale waxay Maxkamadda derejada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida min 10 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay eedaysanayaasha kala ah:- Jamaal Max’ed Cali iyo Axmed Aadan Weerar.

Gebagabadii Maxkamaddu waxay sheegtay in ciddii aan ku qanacsanayn Xukunka uu racfaan u furan yahay.

Previous Post

Soomaalida kunool Mareykanka oo olole ugu jira wax ka bedelka sharciga socdaalka Dalkaasi

Next Post

Ciidamada ammaanka oo ka hortagay Gaari siday walxaha qarxa

Next Post
Khudbadihii madaxda ee xafladda caleemasaarka madaxweynaha Galmudug oo socota

Ciidamada ammaanka oo ka hortagay Gaari siday walxaha qarxa

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In