Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Gantaallo Xuutiyiinta Yemen ay ku rideen Sacuudiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Danta guud ee Dalka halaga hormariyo danta gaarka ah (FAALLO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen ee ka dagaalama dalka Yemen ay kusoo rideen magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga Gantaallo, hase ahaatee ciidamada Cirka ee dalka Sacuudiga ay ku guuleysteen iney ka hortagaan oo ay bur buriyaan Gantaalladaasi.

Safiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si aad ah u cambaareyneyso Xuutiyiinta dalka Yemen falka ay sameeyeen, isagoo tilmaamay in ay gacan ka helayaan dowladda Iiraan oo horey Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026

“Dowladda Soomaaliya raggaasi aad iyo aad ayey u cambaareneysaa, waxeyna ku eedeeneysaa nimanka Xuutiyiinta ah oo gacanta ka helaya Iiraan oo aad ogtihiin in Soomaaliya ay xiriirka u jartay, Hadda Iiraaniyiintu culeys badan ayey ku hayaan Sacuudiga oo nimanka Xuutiyiinta ah maahan niman heli kara Tiknoolajiyaddaan Sawaariikhda isaga kala goosheysa intaasi oo KM,”ayuu yiri Mudane Daahir Maxamuud Geelle Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda Sacuudiga islamarkaana ay taageersantahay Isbaheysiga uu horkacayo Sacuudiga, sidaasi oo kalena Soomaaliya ay aqoonsan-tahay Dowladda Sharciga ah ee dalka Yemen.

Previous Post

Guddoomiyaha G/Banaadir oo xariga ka jaray Xarun cusub oo loo dhisay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo War-saxaafadeed kasoo saartay arrinta Balad Xaawo

Next Post
Danta guud ee Dalka halaga hormariyo danta gaarka ah (FAALLO)

Dowladda Soomaaliya oo War-saxaafadeed kasoo saartay arrinta Balad Xaawo

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

Somalia, Sudan Denounce Israel’s “Somaliland” Recognition

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In