Sunday, May 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaalida ku dhaqan Dalka Mareykanka oo ka hadlay dareenkooda ku adan muranka ka tagan soodinta u dhexeysa labada dal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 27, 2018
in Wararka
0
Soomaalida ku dhaqan Dalka Mareykanka oo ka hadlay dareenkooda ku adan muranka ka tagan soodinta u dhexeysa  labada dal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo booqday Xarunta Safaaradda JFS ee dalka Tanzania

Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo booqday Xarunta Safaaradda JFS ee dalka Tanzania

May 25, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

May 25, 2025
Qaarkamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee Columbus Ohio oo iskugu yimid kulun ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin qayla dhaanta shacabka Beledxaawo ee la xariirta dhismaha darbiga laga dhisayo xaduuda u dhexeysa Somalia iyo Kenya ayaa waxa ay siyaabo kala duwan fariimo ugu direen, Dowladda Soomaaliya, Dowladda Kenya iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Intabaddan dadkii ka hadlay isku imaatinkaan ayaa waxa ay xukuumada Raysulwasaare Kheyre ka codsadeen in ay ka dhabayso wada hadaladda isla markaana si dhab ah loo darso mushkilada xaduuda ee qayla dhaantu ka imaanayso, iyaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in la dumiyay guryo dad shacab ah oo masaakiin ah ay leeyihiin kuwaas oo u bahan in dib loogu dhiso Hantidoodii.
Shacabka Beledxaawo ayay ku tilmaameen dad u taagan qaranimadda Soomaaliya isla markaana dhawaqooda iyo ficilkooda soo gaarsiiyay heer ay madaxdoodii  ka hadlaan ama ay xariir la sameeyaan dowlada Kenya.
Waxgaradkii ka hadlay meshan ayaa dowladda Kenya uga baaqay in ay ilaaliso darisnimada iyo xariirka soo jireenkaa ee labada dal iyo labada shacab u dhexeeya  oo aysan ka faaiidaysan jilicsanaanta dowladda Soomaaliya iyaga oo dhanka kale Mandheera iyo Beledxaawo ku tilmaamay magaalooyin isku mid ah oo sina aysan dadkoodu u kala maarmin.
Maamulka iyo shacabka Beledxaawo ayay sidookale ugu baaqeen in ay ka shaqeeyaan wixii wanaag ah isla markaana ilaaliyaan hantida qaranka Soomaaliyeed oo ah dhulka iyo xaduuda oo ka dhaxaysa gabi ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Maalmihii la soo dhaafay ayay xiisad ka taaganayd xaduuda Beledxaawo iyo Mandheere kadib markii dowladda Kenya ay biloowday dhismaha darbi ay ku xayndaabayso xaduudkeeda lakin dhacabka Beledxaawo ayaa qaba in dhul ay Soomaaliya leedahay ay keny dhisanayso sila markna ay burburisay hanti kale, waxaana iminka biloowmay wada hadalo labada dowladdood u dhexeeya.
Previous Post

Shirka bilaha ah ee xasilinta dalka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo booqday Xarunta Safaaradda JFS ee dalka Tanzania

Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka oo booqday Xarunta Safaaradda JFS ee dalka Tanzania

May 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Tanzaniya):Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo isaga iyo wafdi uu...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kulan la qaatay Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed

May 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha...

Hantidhowrka Guud ee JFS oo Ka Qayb Galay Shirkii 21-aad Ee Golaha Maamulka AFROSAI-E Ee Seychelles

Hantidhowrka Guud ee JFS oo Ka Qayb Galay Shirkii 21-aad Ee Golaha Maamulka AFROSAI-E Ee Seychelles

May 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO: 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qeybgalay Shir-Madaxeedkii 21aad ee Ururka Hay’adaha Hantidhawrka Sare...

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Buluugga ah ee XFS oo digniino cusub ka soo saartay xilliga Jiidmaalka badda

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Buluugga ah ee XFS oo digniino cusub ka soo saartay xilliga Jiidmaalka badda

May 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay soo saartay Warsaxaafadeed ku saabsan digniinaha xilligaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In