Tuesday, September 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Garowe kula kulmay Wasiirka Warfaafinta Puntland

admin by admin
March 31, 2018
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Garowe kula kulmay Wasiirka Warfaafinta Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ahaa wadatashi laxiriira udiyaar-garoowga Shir-waynaha Warfaafinta Soomaaliya oo dhawaan Ka dhacaya magaalada Garoowe ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska uu maanta la yeeshay Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Puntland, Mudane Cabdi Xirsi Cali Qajab, Wasiir Ku xigeenka Cabdirisaaq Shiikh-aduun, Agaasimayaasha Wasaraadda, Madaxda Ururka MAP iyo Guddiga Sare ee Saxaafadda Puntland.

Ugu horayn Mudane C/rixmaan Yuusuf Sheekh Cadaala Agaasimaha Guud ee Wasaaradda warfaafinta ayaa ugu mahadceliyay madaxda Wasaaradda warfaafinta Puntland iyo Map sida wanaagsan oo ay ugu soo dhoweeyeen magaalada Garowe iyo dadaalada ay ugu jiraan horumarinta Warbaahinta.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

September 15, 2025
Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

September 15, 2025

Mar uu ka hadlay Agaasimaha Guud ahmiyadda shirka ka furmaya Garowe ayaa wuxuu yiri “Shirka Warfaafinta ee dhawaan inoo qabsoomidoona wuxuu marxalad cusub iyo nuuc cusub oo wadashaqayneed u abuuridoonaa dhamaan qaybaha ka shaqeeya arrimaha Warfaafinta, sida Wasaaradaha heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleed, Warbaahinta Dawliga ah iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay intaba”.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dadaal badan ugu jirta sidii warbaahinta dowliga ah iyo mida gaarka loo leeyahay ay bulshada Soomaaliyeed u gaarsiin lahaayeen fariin wanaagsan, iyadoo arintaasina ay soo dhoweeyeen masuuliyiinta warfaafinta ee Puntland

Ugu danbayntii kulankaan waxaa sidoo kale ka qayb galay Lataliyayaasha Wasaaradda, Cabdiraxmaan Maxamed Aadan Koronto iyo Mubaarak Cabdiraxmaan Maal.

Previous Post

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir+Sawirro

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

September 15, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalaya Shirwaynaha Dowladaha Carabta iyo Islaamka ee ka socda magaalada...

Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

September 15, 2025
0

Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ayaa maanta lagu qabtay kulanka bilaha ah ee u dhexeeya Wasiirka Wasaaradda iyo hawl-wadeenada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku soo bandhigay Shirka Carabta mowqifka Soomaaliya ee ka dhan ah xadgudubyada Israa’iil ee dalalka Carabta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku soo bandhigay Shirka Carabta mowqifka Soomaaliya ee ka dhan ah xadgudubyada Israa’iil ee dalalka Carabta

September 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo...

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

September 15, 2025
0

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo ay soo agaasintay Hay’adda Taya-dhawrka Qaranka.   Shirkan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In