Saturday, October 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaaladda Garoowe

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaaladda Garoowe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigaan soo gaaray Garoowe, ayaa  waxaa hor kacayay guddoomiyaha maxakamada sare ee Soomaaliya, Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan,  waxaana ku weheliyay safarkiisa ku xigfeenka Maxkamdda sare iyo xubno Ka socday Hay’adaha garsoorka, garoonka diyaardahana waxaa ku soo dhoweeyey  Guddoomiye ku xigeenka Maxkamada sare ee Dowlad goboleedka  Puntland , xeer ilaaliye ku xigeenka,  laamaha garsoorka, Saraakiil ka socotay  taliska Ciidanka Asluubta iyo xubno ka socda jaamacadaha Garoowe.

Soo dhawayn ka dib, ayaa waxaa Guddoomiyaha Maxakamada sare ee Soomaaliaya iyo wafdigiisa waxaa loo gudbiyay Gudaha Magaaladda,  halkaasi oo ay Kula hadleen Warbaahinta qaybaheeda kala duwan.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

October 18, 2025
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

October 18, 2025

Guddoomiye ku xigeenka Maxakamada sare ee Dowlad goboleedka Puntland ahna sii hayaha Guddoomiyaha Maxakamada, Mudane Nuur Ciise,  ayaa ku soo dhaweeyay guddoomiyaha iyo xubnihiisaba Puntland,  sheegayna inay ku faraxsan yihiin imaanshahoda .

Dr Ibraahim Iidle Sulayamaan, Guddoomiyaha Maxkmadda Sare ee Dalka,  ayaa ugu haraynba ka mahad Celiyey Soo dhowaynta Magaaladda  Garoowe loogu sameeyay,  siina raaciyay hadalkiisa in safarkoodu qeyb Ka yahay safaro ay ku marayaan maamulada dalka, kuwaasi oo loogu kuur Galayo howlaha Garsoor ee Dalka.

Safarkan Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka,  ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku yimaado Puntland tan iyo intii xilkaaani loo soo magacaabay.

Previous Post

Banaadir oo Barbaro Gashay iyo Kala Horeynta Horyaalka Soomaaliya

Next Post

Imisa Ayeey Wada Ciyareen Klopp iyo Gardiola + Aguero Oo Maqnaan doona

Next Post
Imisa Ayeey Wada Ciyareen Klopp iyo Gardiola + Aguero Oo Maqnaan doona

Imisa Ayeey Wada Ciyareen Klopp iyo Gardiola + Aguero Oo Maqnaan doona

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ISTANBUL):-Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan iyo Wasiirka Ganacsiga ee Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ROME):-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Talyaaniga, ayaa magaalada Rome kula...

Hay’adda NIRA oo ku dhawaaqday muddada khidmad-dhaafka ee kaadhka aqoonsiga Qaranka

Hay’adda NIRA oo ku dhawaaqday muddada khidmad-dhaafka ee kaadhka aqoonsiga Qaranka

October 18, 2025
0

Hay'adda Is-diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka Ee NIRA,ayaa shaacisay muddada kama dambeysta ah ee ay ku eg tahay, adeegga khidmad-dhaafka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In