Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Arrimaha Dibadda,Maaliyadda iyo Ganacsiga XFS oo kullan la qaatay Michael Keatin

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirada Arrimaha Dibadda,Maaliyadda iyo Ganacsiga XFS oo kullan la qaatay Michael Keatin
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kullankan oo uu shir guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, ayna ka qeybgaleen Wasiirka Maaliyadda H.E. Dr.. Abdirahman Dualeh Beileh, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha H.E. Mr. Mohamed Abdi Hayir Mareye iyo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mr. Michael Keating ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa looga doodday dhowr arrimood oo ay ku jirto siyaasadda, ammaanka iyo iskaashiga.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Labada dhinac ayaa waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay, xoojinta iyo horumarinta wax wadaagid qotodheer oo istiraatiijiyad leh oo u dhexeysa Qaramada Midoobey iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dhinacyo badan leh.

Kulan kale oo gaar ah, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu kala hadlay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Keating taabagelinta iyo horumarinta istiraatiijiyadaha wadaagga ah ee u dhexeeya hey’adaha Dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala dalka si loo xoojiyo iskaashi wax ku ool ah si uu qeyb uga noqdo dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta horumarka iyadoo la tixraacayo istiraatiijiyadda Qaranka iyo hiigsiga wadaagga ah.

Kulankan miradhalka ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Agaasimaha Xafiiska Wasiirka Mr. Abdullahi Dool Mohamed, Agaasimaha taageerada Ergada UNSOM ahna Agaasimaha UNSOS Mr. Amadu Kamara iyo Madaxa Shaqaallaha ee UNSOM Ms. Hedwig Maex.

Previous Post

S/guud Bashiir “marnaba raali kama noqon doonno in lagu xadgudbo Maxbuus”

Next Post

Madbacadda Vs Heegan Iyo Kala Horeynta Horyaalka

Next Post
Madbacadda Vs Heegan Iyo Kala Horeynta Horyaalka

Madbacadda Vs Heegan Iyo Kala Horeynta Horyaalka

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In