Sunday, March 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamada sare ee CQ oo ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay Maxkamada darajada 1-aad ugu xukuntay Ex-G/Sare C/naasir Xoosh Maxamed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maxkamada sare ee CQ oo ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay Maxkamada darajada 1-aad ugu xukuntay Ex-G/Sare C/naasir Xoosh Maxamed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ay ugu xukuntay danbiile gacan ku dhiigle Ex-Gaashaanle sare Xoogga dalka C/naasir Xoosh Maxamed ka dib markii lagu helay dilka Alle ha u naxariistee Marxuum Ex-Generaal Siciid Aadan Yuusuf (Mariino) oo ka tirsanaa Ciidamada Badda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida Janaral Liibaan Cali Yarow ayaa warbaahinta u akhriyay Xukunka.

Related posts

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026

“ Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida markii ay aragtay racfaanka Gaashaanle sare Xoogga dalka C/naasir Xoosh Maxamed oo ahaa taliyihii raxanta doomaha ciidamada Badda Xoogga dalka Soomaaliya,markii ay aragtay Xukunka Maxkamada darajada koowaad ciidamada Xoogga dalka ee soo baxay 20/2/2018-ka,oo ay ku xukuntay Gaashaanle sare Xoogga dalka Gaashaanle sare C/naasir Xoosh Maxamed dil toogasho ah.”

Wuxuuna Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida Janaral Liibaan Cali Yarow sheegay in markii la dhageystay doodii dhinacyada xeer ilaalinta ciidamada Qalabka sida iyo qareenkii difaacayay rafcaanlaha Ex-Gaashaanle sare C/naasir Xoosh Maxamed inuu yahay danbiile galay danbigii lagu soo oogay,isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay in Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ay ku raacday Xukunkii Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida horay ugu xukuntay danbiile C/naasir Xoosh Maxamed oo ahaa xukun dil ah oo loogu qisaasayo dilkii uu u geystay Alle ha u naxariistee Marxuum Ex-Generaal Siciid Aadan Yuusuf (Mariino).

C/naasir Xoosh Jabriil oo 54-sano jir ah oo ka warbixiyay garsoorka Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa qirtay in Xabad ka dhacday Bastoolad uu watay madaxa ka haleeshay Marxuum Ex-Generaal Siciid Aadan Yuusuf (Mariino),sidaasina u geeriyooday.

Previous Post

Suuriya oo Israa’iil ku eedaysay weerrarkii saldhiggeeda cirka

Next Post

Xoogga Dalka waa Laf dhabarka qaranimada Soomaaliya

Next Post
Xoogga Dalka waa Laf dhabarka qaranimada Soomaaliya

Xoogga Dalka waa Laf dhabarka qaranimada Soomaaliya

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Yaaqshiid oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 1, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda Dalka

February 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda...

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo howlgalo qorsheysan fuliyay

February 28, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu...

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In