Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Maxaa Iska Badalay Kala Horeynta Horyaalka Dalkaada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Maxaa Iska Badalay Kala Horeynta Horyaalka Dalkaada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kala Horeynta Horyaalka Soomaaliya ayaa wali waxaa hogaanka ku naalooneysa kooxda Difaacaneyso Horyaalka Soomaaliya ee Dekadaha oo dhamaan kulamadii ay Ciyaartay hal kulan oo quraa laga adkaaday waxaana laba dhibcood oo nadiif ah ay ka horeysaa kooxda Horseed oo Galabta ka soo adkaatay kooxda Batroolka.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Banaadir oo 24 Saac oo Si ku meel gaar ah ay ugu jirtay kaalinta labaad waxay ka dhacday kaalinta sadexaad kadib markii kooxdii booskaasi ku jirtay ee Horseed ay Soo adkaatay kulaneedii galabta oo 5-0 ay ku garaacday kooxda Batroolka.

Kaalinta afaraad wali waa ku jirta kooxda Heegan oo beri la Ciyaari doonto kooxda Madbacadda oo ayadu lafteeda ka Carareyso kaalinta labaad ee u Calaameysan in ay ka soo muuqan doonto xili ciyareedka soo socda Horyaalka heerka labaad.

Elman ayaa ku jirta kaalinta shanaad oo kulankeedi Soo garaacday Dekadaha  kulan adag oo ay la Ciyaartay kooxdaasi  oo ahayd koox aanan laga adkaan tan iyo markii la bilaabay horyaalka Soomaaliya balse Cabdi Joon ayaa ka jabiyay Rikorkii guuldaro la,aanta ahaa oo ay waday kooxda Dekadaha ayadoo Elman laba kulan oo is xiga ay adkaatay kulamadii ay ciyaartay bisha april.

Kaalinta Lixaad waxaa soo cariirsatay kooxda LLPP Jenyo oo adkaatay kulankii sadexaad dhamaan kulamada ay Ciyaartay Horyaalka Soomaaliya kadib markii ay si qurux badan ay u garaacday Gadiidka kulankii 12-aad ee horyaalka Soomaaliya oo ay wada Ciyareen.

Toddobo waxaa ku jirta kooxda Batrool oo la kulantay guuldaradii Shanaad Horyaalka Soomaaliya xili Ciyareedkan ayadoo kooxda Batroolka sidoo kale horey u gashay shan kulan oo barbaro.

Gadiidka ayaa kaalinta 8-aad kaga jirto kala horeynta Horyaalka Soomaaliya waxaana ay isku dhibco yahiin kooxda Madbacadda oo kulan la ciyaari doonto kooxda Heegan Berito kaasi ayaana ah kulanka ugu danbeeya horyaalka Soomaaliya kulamadii 12-aad oo Sideed kooxod ay Ciyareen.

Kaalimaha u Caleemaysan horyaalka heerka labaad ayaa waxaa ku jira Madbacada iyo kooxda Waxool oo shan dhibcood oo kaliya uruursatay dhamaan 12-kulan oo ay Ciyaartay Kooxda hoos tagta Wasarada Xanaanada iyo Xoolaha ee dowlada Soomaaliya.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Degmada Heliwaa oo dib u habeyn ku sameeyay xarunta Degmada “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo daah furay Shirka Madasha Horumarinta Galmudug “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo daah furay Shirka Madasha Horumarinta Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweynaha Galmudug oo daah furay Shirka Madasha Horumarinta Galmudug "SAWIRRO"

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In