Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaanka Bandarqaali “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaanka Bandarqaali “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deegaanka Bandarqaali oo ahaa sanadihii u danbeeyay deegaan si weyn looga dareemayay horumaro dhinacyo badan isla markaana intooda badan ah kuwa ay ku gaareen bulshada iyo maamulka deegaankaasi isku tashi iyo wadashaqeyn ayaa waxaa maaanta halkaasi kormeer ku tagay mas’uuliyiin ka tirsan kuwa Gobalka Mudug siyaasiyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay Maamulkii hore ee Galmudug iyo xubno ka tirsan Guddiga dib-u-heshiisiinta bulshada Gobalka Mudug, kuwaas  oo si weyn ay  halkaa uga soo dhaweeyeen bulshada deegaanka sidoo kalana uga qeyb galay dhagax dhiga mashaariic ay  bulshada iyo maamulka deegaankaasi ku hormarinayaan qaar ka mida adeegyada bulshada sida dhismaha iyo dayactirka wadooyinka sameynta jardiinooyin qeyb ka ah sare u qaadista bilicda.

Guddoomiyaha deegaanka Bandarqaali Sheekh Muxyadiin Axmed Garre ayaa ugu horeyn ka warbixiyay dadaalada ay wadaan iyo waxyaabihii ugu qabsoomay isku tashigooda iyo adeegyada ay u baahan yihiin in laga caawiyo, isla markaana lagama maarmaanka u ah nolasha bulshada, waxaana uu sheegay in deegaanka Bandarqaali bulshada ku nool ay u istaageen ka shaqeynta horumarka deegaankooda, iyagoo cid kale ku tashanayn taasna ay usuurta galisay in xiligaani Bandarqaali ay ka jiraan adeegyada aas aaska u ah nolasha bulshada, marka laga reebo dhanka caafimaadka oo uu tilmaamay in uu yahay mid  baahidooda aan  kaafin karin ayna ka codsanayaan maamulka Galmudug in laga caawiyo.

Related posts

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025

Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta bulshada Gobalka Mudug Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed ayaa ku booriyay in ay sii laba jibaaraan isku duubnidooda, sidoo kalana nabadu ay fure u tahay gaarista horumarka.

Kulanka oo ay ka hadleen masuuliyiin iyo waxgarad ayaa waxaa gunaanadkii ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobalka Mudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin waxayna wax lagu farxo ku tilmaameen sida bulshada deegaanka Bandarqaali ay isugu tashadeen una istaageen horumarinta deegaankooda, iyagoo balan qaaday in ay ku dadaali doonaan sidii looga caawin lahaa adeegyada u dhiman.

 


Cabdirisaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo

Previous Post

Parliament Speaker comments his resignation

Next Post

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo furtay aqoon isweydaarsi ku saabsan xiriirka federaaleynta “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Arrimaha gudaha oo furtay aqoon isweydaarsi ku saabsan xiriirka federaaleynta “SAWIRRO”

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo furtay aqoon isweydaarsi ku saabsan xiriirka federaaleynta "SAWIRRO"

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In