Waxaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland shirka horumarinta warbaahinta Soomaaliya,kaasi oo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta heer Federaal iyo heer Dowlada Goboleed iyo maamulka Gobolka Banaadir,iyadoo ay goob joog ka yihiin quburo caalami ah.
Shirkani oo uu socondoono muddo 4 maalmood ah ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saaridoonaa arrimo badan oo qeyb ka ah sidii loo heli lahaa wadiiqooyin sahlaya horumarinta warbaahinta Soomaaliya,iyadoo ay iska kaashanayaa qeynaha kaladuwan ee warbaahinta dalka.
Siihayaha Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiisa,ahna Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane C/raxmaan Iidaan Yooni oo u waramayay Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay shirkaasi iyo waxyaabaha diiradda lagu saarayo.
“Shirka wasiirada warfafinta iyo ergooyinka kaladuwan ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shalay ka furmay Garowe wuuna socda,5 Agende ayaa looga hadlayaa waxaa shantaasi qodob ay kala yihiin,dhisidda gudiga wacyigelinta iyo dhameystirka Straatiijiyada wacyigelinta,waxaa sidoo kale laga hadlay akhbaareynta xarunta dhexe ee warbaahinta,oo warbaahinta qaranku ay yeelanayso xarun wax soo saara,welina wuu socdaa shirkaasi”. ayuu yiri Mudane C/rixmaan Iidaan Yoonis
Geba gebada shirkaasi oo daba socda shir horey uga dhacay Muqdisho ayaa lafilayaa in laga soo saaro qodobo muhiim ah oo ku saabsanhanaanka loo mari karo horumarinta warbaahinta Dalka si loo heli wacyigelin guud ee bulshada Soomaaliyeed.