Sunday, August 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka sare oo maanta qodobo muhiim ah ka hadlay+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka sare oo maanta qodobo muhiim ah ka hadlay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

August 9, 2026
Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska

August 9, 2026

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka sare oo maanta kullan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen arrimo muhiim ah oo ay ugu horeyso diyaarinta qorshaha berito ah oo kullanka guud ee Golahu uu dhacayo,waxaana kullanka beri diirada lagu saari doonaa dib u eegista xeer hoosaadka Aqalka wax ka bedelna lagu sameyn doono.

Xoghayaha Joogtada ah ee Golaha Aqalka sare Cali Maxamed Jaamac oo kullanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii looga hadlay kullanka Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare.

“ Maanta oo ay taariikhda ahayd 28ka bisha April ee 2018-ka,Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu lahaa fadhigiisii 9-aad waxaa lagaga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu muhiimsaneyd diyaarinta Agendaha berito oo kullanka guud ee Golaha uu dhacayo “ Inshallah”,Agendaha looga hadli doono waxaa ka mid ah dib u eegista Xeer hoosaadka oo wax ka bedel lagu sameyn doono oo uu Aqalka sare u soo gudbiyay Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaad”, ayuu yiri Xoghaye Cali Jaamac Maxamed.

Sidoo kale,Xoghayaha Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in kullanka Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare lagaga arrinsaday arrimaha Amniga Golaha iyo Qaranka intaba,waxayna sidoo kale Guddiga joogtada ah isla soo hadal qaadeen masiibada bini-aadanimo ee ka taagan deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo dad badan ay saameyn ku yeesheen Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa dadaal ugu jira dardar gelinta qorshe howleedka Golaha,waxayna isku raaceen in arrinta fatahaada Baladweyne iyo saameynta dadweynaha ka soo gaaray looga doodo kullanka guud ee Golaha uu yeelanyo.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Guddi u saaray Masiibada Baladweyne

Next Post

Xildhibaanada Aqalka sare oo Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in loo gurmado Shacabka Baladweyne+Sawirro

Next Post
Xildhibaanada Aqalka sare oo Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in loo gurmado Shacabka Baladweyne+Sawirro

Xildhibaanada Aqalka sare oo Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay in loo gurmado Shacabka Baladweyne+Sawirro

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

Munaasabadda Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka socota

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho ka socota xaflad si rasmi ah loogu shaacinayo, natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee...

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska

Guddoomiye Muungaab oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska

August 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarigga ka jaray Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Waqooyi Bari

August 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Caalamiga ah ee Qaxootiga

August 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed, Liibaan Cabdi Cigaal, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Jeremy Konyndyk, Madaxweynaha Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In