Xoghayaha Guud ee Ururka Xisbullaah Xasan Nasrullaah, ayaa ku eedeeyay Boqorka Sacuudiga inuu diyaar u yahay maalgalinta dagaalka ka dhaca gobolka, sidoo kale wuxuu sheegay Nasrullaah in mashruuca “American-Saudi”oo uu hormuud ka ahaa Sacuudiga uu ka dhaqangalay Suuriya.
Xasan Nasrullaah ayaa yiri: “waxaa jira qorshayaal badan oo uu damacsanyahay Boqor Maxamed Bin Salmaan kuwaasi oo ay ugu horeeyso in uu bixiyo lacago farbadan si uu dagaallo ugu huriyo Dunida islaamka.
Xoghayaha Ururka Xisbullaah Xasan Nasrullaah ayaa intaa hadlkiisa ku daray in xukuumadda Suuriya ay ku guulaysatay la dagaalanka mucaaradka inkasta oo mashruuca Maraykanka iyo Sacuudiga uu halkaasi ka dhaqangalay caqabadna uu ku yahay.
Xasan Nasrullaah ayaa caddeeyay in Maraykanka iyo asxaabtiisa oo uu Sacuudiga kamidyahay aysan ka aamusi doonin khasaaraha logu geystay Suuriya iyo Ciraaq.
Dhanka kale shabakada NBC News oo soo xiganeysa seddex sarkaal oo Maraykan ah, ayaa sheegtay in Mareykanka iyo Israa’iil ay u diyaar garoobeen dagaal ay la galaan Iiraan.
Ra’iisal Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisa difaaca ayaa isla oggolaaday in la qaado dagaal ka dhan ah Iiraan.