Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Kheyraadka Biyaha Aqalka sare iyo Xubno ka socda Maamul Goboleedyada oo ka shiray sharciga Keyraadka Biyaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 2, 2018
in Wararka
0
Guddiga Kheyraadka Biyaha Aqalka sare iyo Xubno ka socda Maamul Goboleedyada oo ka shiray sharciga Keyraadka Biyaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Kheyraadka Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare iyo Xubno ka socda Maamul Gobolleedyada dalka ayaa maanta kullan wadatashi ah oo ku saabsan Keyraadka biyaha dalka ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo furay shirka ayaa sheegay iney muhiim tahay in shuruucda dalka loo sameynayo in si wadajir ah kaalin looga qaato, isla markaana Maamul Goboleedyada laga tali geliyo sameynta sharciga Keyraadka Biyaha dalka si tabashada iman karta xal wadajir ah looga gaaro.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka sare ayaa uga mahad celiyay abaabulka iyo kaalinta uu ka qaatay sameynta shuruucda Kheyraadka Biyaha dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabiyaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka sare Senator Ilyaas Cali Xasan oo kullanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka ugu muhiimsan ee shirka uu yahay in laga wadatashado sharciga Kheyraadka Biyaha oo uu sheegay iney gacanta ku hayaan.

Sharciga Kheyraadka Biyaha ayaa horay u soo maray Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Wasiirki Biyaha iyo Tamarta u gudbiyay,waxaana ka dib loo soo gudbiyay Golaha Aqalka sare oo isla Wasiirka akhrinta koowaad ka horjeediyay Xildhibaanada Golaha Aqalka sare.

Shirka oo maanta furmay ayuu Senator Ilyees Cali Xasan wuxuu tilmaamay in Xubnaha ka socda Maamul Gobolleedyada iyo iyagaba dhowrka maalmood ee soo socda ka wada arrinsan doonaan ka dibna ay ka soo saari doonaan sharci loo wada dhan yahay oo laga talageliyay dhammaan xubnaha uu sharcigan quseeyo.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Kheyraadka Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa sheegay in maalinta berito ah isugu yeeri doonaan boqol Xubnood oo ka socda Gobolka Banaadir si ay uga wada hadlaan Hindise sharciyeedka Kheyraadka biyaha dalka,kuwaasi oo looga baahan yahay iney taladooda ku darsadaan sharcigan.

 

 

Previous Post

Masuuliyiin ka tirsanTaliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo lagu soo dhoweeyey Dalka Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post

Maamulka Hirshabeelle oo dar dar gelinaya howlaha Kalluumeysatada Gobolka Shabeelaha dhexe

Next Post
Maamulka Degmada Warshiiq oo ka warbixiyey xaalada Degmada Warshiiq.

Maamulka Hirshabeelle oo dar dar gelinaya howlaha Kalluumeysatada Gobolka Shabeelaha dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In