Wednesday, January 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Turkiga iyo Ruushka oo ku gacan sayray go’aankii uu Trump ku diiday heshiiskii Nukliyeer-ka ee lala galay Iran

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Turkiga iyo Ruushka oo ku gacan sayray go’aankii uu Trump ku diiday heshiiskii Nukliyeer-ka ee lala galay Iran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dalka Turkiga , Recep Tayyip Erdogan, ayaa dhiggiisa Dalka Ruushka Vladimir Putin, kala hadlay go’aankii uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaga baxay heshiiskii Nuclear-ka ee Dalka Iiraan.

Labada hoggaamiye oo Khadka taleefanka ku wada xiriiray ayaa ayaa waxay sheegeen in hadalka kasoo baxay Trump uu gebigiisba ahaa mid khaldan, waxayna tilmaameen in heshiiska nukliyarka uu ahaa guulo diblumaasiyadeed oo ay tahay in la ilaaliyo.

Related posts

Lacagaha Mashaariicda horumarinta oo la soo jeediyay in loo weeciyo dhanka abaaraha

Lacagaha Mashaariicda horumarinta oo la soo jeediyay in loo weeciyo dhanka abaaraha

January 14, 2026
NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026

Labada Madaxweyne ayaa sidoo isla soo qaaday xiisadda ka aloosan Dalka Suuriya iyo horumarkii laga gaadhay howlaha kala aragtida fog ee ay Labada Dowladoodba halkaasi ka wadaan, iyagoo sheegay inay haatan arrintu taagan tahay meel wanaagsan.

Recep Tayyip Erdogan , ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay Vladamir Putin, inuu ku guuleysto xilka Madaxtinimo  oo uu markii Afaraad ku soo baxay dhawaan inuu noqdo hoggaamiyaha.Dalka Ruushka.

Talaadadii dhawayd ayuu Madaxweynaha Dalka Maraykanka, Donald J.Trump , wuxuu isaga baxay heshiiskii xakamaynta Hubka Nuclear -ka ee ay Sanaddii 2015-kii wada galeen Shanta Dowladood ee lagu Magacaabo kuwa diidmada qayaxan ee golaha ammaanka qaramada midoobay oo lagu daray Jarmalka iyo Dowladda Iiraan.

Saxiixa heshiiskan oo ay sidoo kale goobjoog ka ahayd hay’adda Atoomikada Caalamka ee IAEA, ayaa waxay ka bixistiisa  mad-madoow dhanka siyaasadda ah ka dhex abuuraysaa Waddamada Yurub ugu waawayn iyo Maraykanka, iyadoo sidoo kale sii hurinaysa xiisadda colaadeed ee ka taagan Bariga dhexe.

Previous Post

R/wasaare Kheyrre oo xalay kormeeray xarumaha ciidamada ammaanka ee Muqdisho+ Sawirro

Next Post

WHO oo ka war-bixisay fatahaadda ka dhacday Soomaaliya

Next Post
WHO oo ka war-bixisay fatahaadda ka dhacday Soomaaliya

WHO oo ka war-bixisay fatahaadda ka dhacday Soomaaliya

Lacagaha Mashaariicda horumarinta oo la soo jeediyay in loo weeciyo dhanka abaaraha

Lacagaha Mashaariicda horumarinta oo la soo jeediyay in loo weeciyo dhanka abaaraha

January 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Nuur, ayaa soo jeediyay in boqolkiiba 50 (50%)...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

January 14, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ay si taxaddar leh uga fuliyeen duleedka degmada Afgooye...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shirka Amniga oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo guddoomiyay shirka Amniga oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

January 14, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood. Shirka...

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dibadbax ka dhan ah faragelinta YH-da oo ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

January 14, 2026
0

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, iyagoo muujinayay dareenkooda ka dhanka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In