Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda socdaalka Soomaaliya oo Norway kula kulmay Madaxda Laanta Socdaalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Hay’adda socdaalka Soomaaliya oo Norway kula kulmay Madaxda Laanta Socdaalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Gaanshaanle Sare Maxamed Aadan Koofi oo socdaal  ku maraya dalalka Finland, Norway iyo Belgium  ayaa magaalada Oslo ee caasimadda  Norway  kulamo kala duwan kula qaatey madaxda iyo saraakiisha laanta  socdaalka Norway ee UDI, Taliska guud ee  booliiska, Xaruunta bixinta kaararka  Aqoonsiga,  Wasaaradda Caddaaladda iyo Wasaaradda arrimaha dibadda  Norway,

Kulamadaas ayaa diiradda  lagu saaray  iskaashi laga yeesho arrimaha socdaalka , is-dhaafsiga xogta iyo Khibradaha, aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Agaasimaha iyo wafdigiisa oo ka kooban 5-xubnood ayaa madaxda ugu muhiimsan oo ay la kulmeen waxaa kamid ahaa Taliyaha guud ee Booliska Norway, Agaasinka UDI iyo madaxda sare ee Wasaaradaha Amniga, Cadaaladda iyo arrimaha dibadda oo ay isdhaafsadeen khibrado iyo xog badan oo ku saabsan dhinaca wadashaqeeynta.

Wefdiga uu hogaaminayo Agaasime koofi ayaa booqday xarunta UDI, xarunta Booliiska magaalada Oslo, iyo xarunta kaararka aqoonsiga.

Agaasimaha guud ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Koofi iyo  la-taliyihiisa Mahad Axmed Cabdi ayaa sidoo kale ka qeybgaley xaflad lagu  soo gabagabeynayey tababaro iyo aqoon isweydaarsi muddo todobaad ah magaalada Oslo  uga socday saraakiil ka tirsan Hay’adda socdaalka Soomaaliya.

Norway oo hor-muud u ah wadamada Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha socdaalka ayaa dhowaan ku dhawaaqi doona dhameystirka heshiis ku saabsan oggolaansha dukuumentiyada safarka ee Soomaaliya, iyadoo horay ay Norway u ogolaatey baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya.

By:-Mohamed Abdulkadir Dahir MCD

Previous Post

WHO oo ka war-bixisay fatahaadda ka dhacday Soomaaliya

Next Post

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray kulan ku saabsanaa is cafinta bulshada “SAWIRRO”

Next Post
Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray kulan ku saabsanaa is cafinta bulshada “SAWIRRO”

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray kulan ku saabsanaa is cafinta bulshada "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In