Friday, February 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaaladihii ugu dambeeyey ee fatahaadda webiga ee Baladweyn

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Xaaladihii ugu dambeeyey ee fatahaadda webiga ee Baladweyn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026

Waxaa sii kordhaya saameynt fatahaadaha uu Baladweyn ka sameeyey Webiga Shabeele,iyadoo weli uu taagan yahay qulqulka dadka ka barakacaya biyaha webiga.

Wariyaheena Ibraahim Maxamed Geedi ayaa soo sheegaya in dadku ay bilaabeen adeegsiga doomo loo isticmaalayo biyaha dhex ceegaaga xaafadaha iyo kuwa webiga,si dadku ay isaga kala gooshaan meelaha ay u barakacayaan.

Isticmaalka doomaha ayaa timid markii dadku ay cabsi ka muujiyeen gaadiidka oo batay shilalkiisa,waxaana dhawaan khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashey Makiinad Cagaf Cagaf ah oo rogmatay xili ay dadbadan siday.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa wada dadaallo lagu samata bixinayo dadka ku dhibaataysan magaaladaasi,iyadoo dhanka kale ay sheegeen in dad badan ay ku go’doonsanyihiin xaafadaha magaaladaasi oo biyhuhu ay jareen.

Waxaa adag in latago ama laga soo boxo xaafadaha qaarkood,taasi oo sii kordhinaysa walaaca laga muujinayo saameynta fatahaadaha Webiga Shabeelle.

Kumanaan qof oo guryohooda buhuyu fariisteen ayaa haatan deegaansanaya deegaanka Ceeljale ee duleedka magaaladaasi Baladweyne iyo goobo kale,xaaladda nololeed ee dadkaasi ayaa aad u adag,inkastoo ay socdaan howlaha loogu gurmanayo dadkaasi dhibaataysan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gar gaarka caalamiga ah ayaa dadaal xoogan ugu jiraa sidii dadkaasi loo gaarsiin lahaa gargaar,balse sida muuqata saameynta fatahaadaasi ay ka xoogan tahay ku filnaanshaha dadkaasi gurmadka la gaarsiinayo,sababo la xiriira fatahaada oo noqotay tii abid ugu xooganayd sida ay sheegeen qaar kamid ah Dadka reer Baladweyne.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho Axad 13-5-2018

Next Post

Guddoomiyaha G/Banaadir oo soo xiray barnaamijka Jadwalka iyo Qorshaha Dhismaha goleyaasha deegaanka

Next Post
Guddoomiyaha G/Banaadir oo soo xiray barnaamijka Jadwalka iyo Qorshaha Dhismaha goleyaasha deegaanka

Guddoomiyaha G/Banaadir oo soo xiray barnaamijka Jadwalka iyo Qorshaha Dhismaha goleyaasha deegaanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
0

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maalinimadii shalay cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland,iyagoo ku dhawaaqay in tallaabadaasi ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In