Madaxweynaah Jamahuuriyadad Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qadar ย ayaa maant awaxaa u bilaabanaysaa booqashadiisa rasmiga ah oo muddo labo maalmood ah qaadan doonta.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wada ain maanta uu la kulmay Amiirka Dalkaasi Qatar,iyagoo ka wada hadli doona arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dale e Soomaaliya iyo Qatadr,iyo dowrka dowladda Qatar ay ku leedahay taageeradda Soomaaliya.
Dhanka kale habeenkii xalay ayaa waxaa booqasho Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar Mudane Maxamed bin Cabdulraxmaan bin Jaasim Al Thani uu salaan sharaf ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ย Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Farmaajo,isagoo u muujiyay soo dhaweyn diiran iyo sida dowladda Qatar ay diyaarka ugu tahay xoojinta ilaaqaadka kala dhexeya Soomaaliya.
Kulanka maanta dhexmaraya Madaxweye Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xaamad Al Thani ayaa lafilayaa in ay ka soo baxaan natiijooyin waxku ool u ah Soomaaliya iyo Qatar,gaar ahaan iskaashi iyo wadasheynta labada dowladood oo kamid ah wadamada Jaamacadda Carabta kujira.