Iyadoo ay fooda nagu soo hayso bisha barakeysan ee Ramadaan oo noogu harsantahay maalmo kooban ayaa waxaa bulshada soomaaliyeed diyaar garow ugu jiraan soo dhaweynta Bisha barakeysan ee ramadaan waxaana suuqyada magaalada Muqdisho laga dareemayaa diyaar garowga Bisha Ramadaan oo ah bil aad u kheyr badan
Dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku mashquulsanyihiin iibsiga raashiinka noocyadiisa kala duwan.
sii ay ugu diyaar garoobayaan soo dhaweynta bisha barakeysan ee Ramadaan waxaana mashquu laga dareemayaa qeybaha kala duwan suuqyada magaalada muqdisho,hadii ay ahaan laheyd qeybaha qudaarta, oo Bisha Ramadaan ay aad u isticmaalaan bulshada iyo qeybta Timirta, oo ah mida ay dadku si weyn u isticmaalaan Bisha barakeysan ee Ramadaan waxaana sidoo kale ay dadku u iibsanayaan hilibka oo dadku ay u isticmaalaan siyaabo kala duwan inta lagu guda jira bisha barakeysan ee Ramadaan
Sidoo kale waxaa waxaa sarakac laga dareemayaa qiimaha raashiinka noocyadiisa kala duwan sida bariiska burka timirta caanaha hilibka salliida iyo qudaarta noocyadeeda kala duwan
Qaar ka mid ah ganacsatada qudaar iibisa ayaa ka hadlay soo dhaweynta diyaar garowga bisha barakeysan ee Ramadaan ay ugu diyaar garoobayaan .
Waa ganacsade iibiya hilibka wuxuuna ka hadlayaa qiimaha hilibka la iibiyo xilligan iyo bisha Ramadaan wax yaabaha is badela