Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guriga R/wasaarihii hore ee Malaysia oo laga heley lacago badan iyo Dahab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guriga R/wasaarihii hore ee Malaysia oo laga heley lacago badan iyo Dahab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Reuters,War ay soo saareen Booliiska dalka Malaysia ayaa lagu sheegay in ay qabteen boqollaal kaartoon oo ay ka buuxaan waxyaabo qaali ah iyo boorsooyinka ay ka buuxaan lacago qalaad kuwaas oo laga helay guri lala xiriiriyay ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaas Najib Razaq.

Aarintani ayaa ka dambeysay kadib markii Baaritaanno lagu sameeyay dhismeyaasha ku yaalla Kuala Lumpur,kaasi oo lala xiriiriyay baaritaanno lagu hayo dhaqaalaha mashruuca horumarinta ee 1MDB, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka dalkaasi.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026
Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

August 31, 2026

Eedaymaha musuqmaasuqa ee loo soo jeediyay mashruuca 1MDB ayaa qayb wayn ka ahaa waxyihaabihii guul darrada u horseeday Najiib, doorashadaasna waxaa ku guulaystay Mahathir Maxamed oo ay horay xulafo u ahaan jireen.

Wararka qaar ayaa sheegayaa in ay jiraan balaayiin doolar oo aan la xisaab xirin oo qayb ka ahaa mashruucan uu Najiib sameeyay,waxaana raiisul wasaarihii hore ee Dalkaasi Najib Razak laftirkiisa lagu eedeeyay in uu qaatay 700 oo milyan oo doolar,inkastoo uu eedaasi iska fogeeyey.

Madaxda Dawladda Malaysia ayaa sheegay in uusan wax gaf ah samaynin, balse dhawr dal oo kale ayaa baaritaan ku billaabay.

Mr Mahathir  Maxamed oo ah ra’iisul wasaaraha cusub ee wadankaasi ayaa sheegay in uu ka baaraan dagayo in uu dib u furo dacwaddaas, wuxuuna rumaysan yahay in dib loo heli karo lacagta la lunsaday. Najiibna wuxuu ka mamnuucay ka bixitaanka dalka.

Hawgallada booliisku ay ka sameeyeen xafiiska Najiib, guriga uu dagan yahay ee khaaska ah iyo dhismeyaasha kale ee lala xiriiriyay oo ku yaalla bartamaha magaalada ayaa socday maalmihii la soo dhaafay iyadoo warbaahinta loo soo bandhigayo.

Waxaana dhacday mar loo yeeray qof qufulada jabiyo si loo soo saaro lacag guriga Najiib taallay,Amar Singh oo booliiska u hadlay ayaa saxafiyiinta u sheegay in waxyaabaha la soo qabtay ay ku jiraan 284 boorso oo kuwa qaaliga ah gacanta lagu qaato.

Waxaa wararku ay intaasi ku darayaan in Askarta ay baartay 72 boorso oo laga helay lacago kala duwan oo ay ka mid yihiin midda Ringgit ee dalka Malaysia, doolar iyo walina dahab iyo saacado.

Previous Post

Ciidamada Masar oo dilay 19 ka tirsan mintidiinta Siinaay

Next Post

Deeq raashin ah oo ka tmid dalka Cumaan oo la gaarsiiyay Labo kun qoys oo kamida danyarta Gaalkacyo

Next Post
1,500 oo qoys oo danyar ah oo loo qeybiyay raashiin gargaar ah

Deeq raashin ah oo ka tmid dalka Cumaan oo la gaarsiiyay Labo kun qoys oo kamida danyarta Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar

August 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Difaaca Mudane Sheekh...

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

Duqa Muqdisho oo kormeeray deegaanka Xaaji Cabdi oo dib-u-dejin loogu sameynayo shacabka

August 31, 2026
0

Muqdisho, 31 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeeray deegaanka...

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan looga hadlayo arrimaha bani’aadantinimada

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan looga hadlayo arrimaha bani’aadantinimada

August 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daahfuray kulan ku saabsan diyaar-garowga iyo wax ka...

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

August 31, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xirsi Jaamac Gaani oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In