Sunday, June 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Jilib oo markii ugu horeysay ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, una soo gudbay wareegga labaad “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 20, 2018
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Jilib oo markii ugu horeysay ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, una soo gudbay wareegga labaad “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii saddexaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Jilib Vs Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo  Gedo, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Related posts

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

June 15, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

June 15, 2025

Tartameyaasha labada degmo ee Jilib VS Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag.

Jilib

Tartameyaasha Degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, waxaana ay iska qaldeen shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo  su’aal soo hareer martay tartamayaasha Degmada Garbahaareey, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Jilib ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Garbahaareey

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal, iyagoo iska qalday lix su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,  sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garbahaareey waxay noqotay labo (2) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbda Dhexe ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka afaraad ee tartanka, waxaa ku foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Shibis oo ka tirsan Gobolka Banaadir iyo Beladweyne oo ka tirsan Gobolka Hiiraan..

 

Sawir Qaade: Qadar Cali Nuur

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo sheegay in maanta la baajiyay Imtixaanka shahaadiga ee Dalka.

Next Post
Wasiirka Waxbarashada XFS oo sheegay in maanta la baajiyay Imtixaanka shahaadiga ee Dalka.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo sheegay in maanta la baajiyay Imtixaanka shahaadiga ee Dalka.

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno ka tirsan Bakool

June 15, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sadexdii cisho ee u dambeysay si isdaba joog ah hawlgallo amni xaqiijin ah uga fuliyey...

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

Madaxweyne Xasan Sheekh”Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan”

June 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda ay...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

June 15, 2025
0

RADIO MUQDISHO:Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa magaalada Tunis uga qayb galay shir heer...

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Warta Nabadda

June 14, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Liibaan Cali Maxamed u magacaabay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In