Thursday, September 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka iyo Saraakiil Maraykan ah oo gaaray Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay horumarinta Baydhabo oo lagu qabtay isla magaaladaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiil Maraykan ah ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhaba kusoo dhoweeyay Saraakiil ka titsan qaybta 60-aad ee xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu hor kacayay abaanduulaha qaybta,  Ismaaciil Khalliif Shire.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Xubnahan ka socda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa kulan la qaatay saraakiisha qaybta 60-aad, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa howl-gallada lagu sugayo ammaanka Dalka iyo sidii loo furi lahaa Waddooyinka qaar oo ku xirmay rabshado ay halkaa ka geystaan Kooxda Al-Shabaab.

Abaanduulaha qaybta 60-aad Ismaaciil Khalliif  Shire, oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay wafdigani ka wada hadleen sidii ay  u ogaan lahaayeen qaab dagaaleedka qaybta iyo waxa uu Ciidanku u baahn yahay, si loogu gudbiyo madaxda iyaga ka sarreysa, iyagoo booqasho tan la mid ahna ugu tegi doono Ciidamada Degmada Buur Xakaba oo isugu jira SNA iyo K/Galbeed.

“Qaybta ayay ugu socdaan qaab dagaaleedkeeda iyo waxa aan u baahannahay qayb ahaan, si ay ugu gudbiyaan madaxda iyaga ka sarreeysay, waxaa u dhinnaa Buur xakabo, ciidamadaasna waxay isugu jiraan  SNA iyo K/galbeed” ayuu yiri Abaanduule Ismaaciil Khalliif.

Abaanduulaha ayaa intaa ku daray inay Ciidamada wada jira ku howlan yihiin diyaargaroow dagaal, iyagoo ku wajahan Tuulooyin ka tirsan Gobolka Baay oo ay nabad diidku ku dhibaateeyaan Shacabka, si anay u dhicin hakad ku yimmaadda isu socodkii Dad weynaha.

Waa markii Labaad ee ay Magaalada Baydhabo tagaan wufuuddan ka socota wasaaradda Gaashaandhigga  Soomaaliya iyo Dowladda Maraykanka, iyadoo uu qorshuhuna yahay soo Afjaridda kooxda Al-shabaab iyo tayaynta Ciidamada Soomaaliyeed ee halkaa ka how-gala.

Previous Post

Wasaardda Amniga oo war ka soo saartay dhacdadii ka dhacday Barta Kantorool ee Ciidanka Amniga ee KM-0

Next Post

Madaxweyne Farmaajo “Xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo” SAWIRRO

Next Post
Madaxweyne Farmaajo “Xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo” SAWIRRO

Madaxweyne Farmaajo "Xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo" SAWIRRO

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In