Sunday, March 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Jowhar oo soo tiigsaday wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Jowhar oo soo tiigsaday wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii kow iyo tobnaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Howl-wadaag Vs Jowhar oo ka kala tirsan Gobolada Banaadir.iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Howl-wadaag Vs Jowhar ayaa muujiyey tartan aad u adag oo noqday kii ugu dhibcaha badnaa, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

March 29, 2026
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

March 29, 2026

Howl-wadaag

Tartameyaasha Degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal, waxaana ay iska qaldeen lix su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Howl-wadaag ay heleen waxay noqotay labo (2) dhibcood.

Jowhar

Tartamayaasha Degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysatay labo suaal oo soo hareer martay Howl-wadaag, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Jowhar waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka labo iyo tobnaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Xudur Vs Kaxda oo ka kala tirsan Gobolada Bakool iyo Banaadir.

Previous Post

Ciidamada SAMA oo caawa fashiliyay miino lagu aasay qeybo ka mid ah Degmada Heliwaa ”SAWIRRO”

Next Post

Guddiyada amniga iyo Arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka oo ka shiray amniga xildhibaanada iyo xarunta Golaha Shacabka.

Next Post
Guddiyada amniga iyo Arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka oo ka shiray amniga xildhibaanada iyo xarunta Golaha Shacabka.

Guddiyada amniga iyo Arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka oo ka shiray amniga xildhibaanada iyo xarunta Golaha Shacabka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka oo Khawaarijta dagaal adag kula galay deegaanka Daynuunaay

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAAY):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay, ee Gobolka Baay, kadib...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Bilowday Barnaamij Tababar oo ku Saabsan Amniga Saybarka(Cyber)

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa daahfuray barnaamij tababar ah oo loogu talagalay shaqaalaha...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ahna Ku-simaha Wasiirka oo xilka u kala wareejiyay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo Taliyaha cusub

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ahna Ku-simaha Wasiirka oo xilka u kala wareejiyay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta iyo Taliyaha cusub

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ilyaas Sheekh Cumar, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay taliyihii hore ee...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qayb galay Shirka Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

March 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka qabgalay furitaanka Shirka Arrimaha Bini’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In