Saturday, November 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo ka hadlay Qorshaha Xasillinta Amniga Caasimadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo ka hadlay Qorshaha Xasillinta Amniga Caasimadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 28 May, 2018 — Duqa Muqdisho ahnaGuddoomiyaha Gobolka Banaadir MudaneCabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka hadlayay shir warbixino lagu siinayey hay’adaha deeq bixiyaasha laguna falan-qeynayay amniga guud eedalka oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in meelwanaagsan uu marayo qorshaha  lagu xasillinayo Amiga magaalada.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa ka hadlay qorshahamaamulkiisa ee ku aadan amniga Caasimadda eexiligan ku soconaya dar-darta, waxuna tilmaamaywaqtigan in ay jirto rajo iyo ifafaalo weyn oo laga qaboin ammaanka caasimaddu soo hagaago, isla markaanala diyaariyey qorshe sal-ballaaran kana qeybqaadanayaan qeybaha kala duwan ee ciidamadda oolagu xasilinayo caasimadda si horumarka la hiigsanayoloo gaaro.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

November 8, 2025
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

November 8, 2025

Sidoo kale, Mudane Yarisow ayaa soo bandhigayhorumarradii laga sameeyey afartii bilood ee la soodhaafay dhinacyada horumarinta kaabayaashadhaqaalaha ee caasimadda, daadajinta maamulka, u-diyaar garowga golleyaasha deegaanka iyo soo celintabilicda magaalada si ay ula tartanto caasimadaha kale ee gobolka iyo adduun kaba, iyadoo degmooyinkaMuqdisho ay ka bilowdeen  bixinta adeegyadabulshada oo qeyb muhiim ah ka qaadanaya isku xirkashacabka iyo maamulka.

“Shirkan oo looga hadlayay xasillinta amniga guud eedalka, anagu waxaan soo hordhignay qorshaha sugiddaamniga Caasimadda iyo xaaladaha guud ee magaalada, gaar ahaan guulihii la sameeyey afartii bilood ee soodhaafay, sidoo kale waxaan soo bandhignaymuhiimadda ay leedahay xal-u-helidda arrimahaBarakacayaasha iyo wax-u-qabashada dadkii ay sameeyeen roobabkii dhowaan da’ayey”.Ayuu yiriGuddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo intaas raaciyey in aragtida maamulkiisu ay tahay sidii dib loogu soo celin lahaa magaalada Muqdisho meeqaamkii ay ku lahayd adduunka.

Mudane Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay hadafkoodaku aadan in dib loo howlgeliyo garoonka Stadium Muqdisho, maadaama uu weli deegaan u yahay Ciidamadda Midowga Afrika ee AMISOM, si uu u buuxiyo kaalintii muhiimka ahayd ee uu ka qaadan jiray isdhexgalka iyo isku xirka bulshada.

Kulankan oo Shir guddoomineyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayay ku soo bandhigeen maamullada gobollada dalka qorshahooda ku aadan sidii xal-maangal loogu heli lahaa amniga deegaanadooda, dalkana looga sifeyn lahaa argagixisada.

Previous Post

Wasiirka Amniga Gudaha oo Kormeer ku tegay Baraha Kontaroolada Ciidanka Amniga ee Daafaha Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Kaxda oo caawa soo tiigsaday wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Kaxda oo caawa soo tiigsaday wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kaxda oo caawa soo tiigsaday wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Ka Qaybgalay Shirka Wasiirrada Dalxiiska Ee Qaaradda Afrrica

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(RIYAD):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Da’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi...

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BRAZIL):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay shirka COP30 ee...

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(UGANDA):- 498 Sarkaal oo 48 ka mid ah ay yihiin Saraakiil Soomaaliyeed oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ayaa maanta...

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In