Sunday, June 22, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tabarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga ee arrimaha Dastuurka oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 5, 2018
in Wararka
0
Tabarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga ee arrimaha Dastuurka oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkan oo socday muddo afar maalin ah oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka DFS iyo KGS oo lagu baranayay waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadwaynaha ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada baydhabo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee dowlad goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya.

Tababarkan waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 75 qof oo ka kala yimid bulshada rayidka ah iyo shaqaalaha dowlad goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa lagu baranayay casharro ka hadlaya waxbarsahada madaniga ah iyo wacyigalinta dadweyanaha, waxaana dadka ka soo qayb galay ay ka doodeen mowduucyo ay ka mid yihiin tallaabooyinka ugu haboon ee loo mari karo fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadweynaha ee deegaanada Koonfur galbeed Soomaaliya iyo caqabadaha lala kulmi karo inta lagu guda jiro fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadwaynaha iyo sida looga hortagi karo.

Related posts

Mareykanka oo duqeeyay goobaha Niyuklerka ee Iran

Mareykanka oo duqeeyay goobaha Niyuklerka ee Iran

June 22, 2025
Howlgallo lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay degmada Aadan Yabaal

Howlgallo lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay degmada Aadan Yabaal

June 22, 2025

Ujeedada tabarkan ayaa ahayd in dadka loo tababaro waxbarashada madaniga ah iyo wacyi galinta dadweynaha ay sii gaarsiiyaan dadka ku nool deeganada koonfur galbeed Soomaaliya iyaga oo kaashanaya waaaradda arrimaha dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa kulanka khudbado ka jeediyay qaar ka mid ah ka soo qayb galayaasha oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha ururada bulshada rayidka ah ee Koonfur galbeed Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Barako iyo afhayeenka malaaqyada Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Yacquub Deeroow kuwaas oo cabiray dareenkooda ku aadan tababarkaaan waxa ayna uga mahadceliyeen Wasaaradda dastuurka XFS iyo wasaaradda Dastuurka koonfur Galbeed Soomaaliya sida ay uga go’antahay in dadka soomaaliyeed ay baraan dastuurka, waxa ayna sheegeen in ay ka shaqayn doonaan sidii loo gaarsiin lahaa dastuurka dadka ku nool deeganada koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa kulanka xiritaanka ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Mustaf Cabdullaahi waxa uuna ku booriyay dadka ka faa’iidaystay tababrkan in ay sii gaarsiiyaan waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta bulshada ee arrimaha dastuurka dadka kunool deegaanada iyo tuulooyinka hoos yimaada koonfur galbeed Soomaaliya si loo helo bulsho aqoon u leh dastuurkooda.

La-taliyaha Siyaasadda iyo Sharciga ee wasaaradda arrimaha dastuurka ee DFS Mudane Cali Cismaaciil Cabdi Giir oo kulanka soo xiray ayaa kula dardaarmay ka soo qaybgalayaasha in ay doorkooda ka qaataan sidii loogu wacyigalin lahaa bulshada koonfur galbeed ka qaybgalka Dib-u-Eegista Dastuurka.

Gabagabadii, dadkii ka soo qaybgalay tababarka ayaa la gudoonsiiyay shahaadooyin muujinaya in ay qaaateen tababarka waxbarashada madaniga ah iyo wacyigalinta dadwaynaha, sidoo kale waxaa loo qaybiyay buugaagta dastuurka iyo buugaag ay ku qoranyihiin su’aalo iyo jawaabo ku saabsan dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Booqday Qaar kamid ah Xarumaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo  u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo  u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo  u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka "SAWIRRO"

Mareykanka oo duqeeyay goobaha Niyuklerka ee Iran

Mareykanka oo duqeeyay goobaha Niyuklerka ee Iran

June 22, 2025
0

RADIO MUQDISH: Ciidamada Maraykanku ayaa gantaallo culus ku garaacay xarumaha Nukliyeerka Iran ee Fordow, Natanz iyo Isfahan ,iyadoo madaxweynaha Mareykankana...

Howlgallo lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay degmada Aadan Yabaal

Howlgallo lagu jebiyay Khawaarijta oo ka dhacay degmada Aadan Yabaal

June 22, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Howlgallo culus oo ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee degmada Aadan Yabaal, gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa lagu burburiyay labo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan la yeeshay Dhigiisa dalka Kuwait

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan la yeeshay Dhigiisa dalka Kuwait

June 22, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Salaan Cabdi Cali, ayaa kulan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee XFS oo ka qeyb galay Kalfadhiga 51-aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee XFS oo ka qeyb galay Kalfadhiga 51-aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)

June 22, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay Kalfadhiga 51-aad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In