Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Beyle”Waxaan u gudubnay Wajigii Sadexaad ee Deyn Cafinta oo aan fileyno inuu noqdo kii ugu dambeeyey”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiir Beyle”Waxaan u gudubnay Wajigii Sadexaad ee Deyn Cafinta oo aan fileyno inuu noqdo kii ugu dambeeyey”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho waxa uu faahfaahiyay wixii u qabsoomay bishii tagtay wasaaradda Maaliyadda.

Wasiir Beyle waxa uu sheegay Bankiga aduunka iyo hay’adda  lacagta aduunka inay ku qanceen hufnaanta nidaamka maaliyadda dalka, ayna ka gudbeen wajiga labaad ee habka deen cafinta Soomaaliya, isagoo sheegay in iminka  laguda galay wajigii ugu dambeeyay ee deen cafinta oo ay horyaalaan shuruudo hor leh.

“Laba Arrimood ayaa noo suura galay, waa tan koowaadee waxaan soo gaba gabeynay wajigii labaad oo warqadina ay kasoo baxday la leeyahay Soomaalidu wey kasoo baxeen, waxaa taasi noogu xigay in uu inoo bilowday wajigii sadexaad oo aan fileyno inuu yahay kii ugu dambeeyey oo hadii aan ka gudubno aan kamid noqoneyno aduunyada kale”ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Maaliyadda Soomaaiya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa tilmaamay in hagaajinta maamulka Maaliyadda Soomaaliya ay sababtay in Bankiga aduunka ay sanadkaan  ugu yaboohaan Soomaaliya  140-milyan oo doolar  halka midowga yurubna ay ku deeqeen 100M.

Wasiirka Maaliyadda waxa uu tilmaamay inay hubinayaan sida ay ku yimaadeen deymaha lagu leeyahay Soomaaliya ayna la xiriireen dalalka deymahaasi sheegtay.

Mideynta canshuur qaadista hey’adaha dowladda oo qeyb ka ahaa sharuudaha deyn cafinta ayaa ka mid ah waxyaabaha wasaaradda maaliyadu ay ku guuleysatay

“Shuruudaha ugu adag ee ugu waaweynaa waxa weeyaan inaan kordhino dakhliga wadankeena Gudihiisa kasoo xarooda”ayuu intaasi raaciyey wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirku  waxa uu intaa ku daray in ciidanka iyo Howl-wadeenada safaaradaha inay hubinayaan inay akoono ku qaataan mushaaraadkooda si loo xaqiijiyo inaan lacago kaash ah gacanta lagu qaadan.

“Shantii kun ee ugu horeysay ee ciidankeena kamid ah ayaan Akoono u sameynay inta kalena wey ku xigeysaa, qof waliba oo ciidan ah iyo qof waliba oo shaqaale ah iyo cid waliba oo dowladda wax ka qaadataa waa iney farihiisa meel yaalaan Akoonkiisa wax lagu shubaa arin badan bey xalineysaa taasi”ayuu yiri wasiirka.

Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in sidoo kale la ogaan doono safaaradaheena dibadda hadii ay jiraan lacago soo gala iyo halka lagu bixiyo, iyo tirada shaqaalaha ka howlgala safaaradaha Dibadda ee Soomaaliya.

Previous Post

S/guud Bashiir Maxamed Jaamac”Madaxda sare ee dalka way iga aqbaleen in Miisaaniyad loo helo caruurta agoonta iyo danyerta”+Sawiro

Next Post

Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda JFS oo Xafiis lagu qabto howlaha Hay’adda ka furatay Magaalada Hobyo.”Sawirro”

Next Post
Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda JFS oo Xafiis lagu qabto howlaha Hay’adda ka furatay Magaalada Hobyo.”Sawirro”

Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda JFS oo Xafiis lagu qabto howlaha Hay’adda ka furatay Magaalada Hobyo.”Sawirro”

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanla-weyn oo u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

HOGGAAMIYEYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha...

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In