Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo: Madaxweyne Waare Oo la Kulmay Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Daawo: Madaxweyne Waare Oo  la Kulmay Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Caawa Magaalada Muqdisho Afur iyo Casho Sharaf Ugu Sameeyay Qaar Ka Mid Ah Saraakiisha, iyo Sareeyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya kana Soo jeeda Deegaannada Hirshabelle, iyadoo Madaxweynaha iyo Saraakiishaasi ay iska xog wareysanayeen arrima La Xiriira Ammaanka Deegaanada Hirshabelle. Iyo Sidii si wada jir ah la isaga kaashan lahaa Ka Xoreynta Cadowga Al Shabaab, waxaana Uu sii xoojinayaa Madaxweynaha kulamada noocaan oo kale isagoo kulama kale lagu wado in uu la qaato saraakiisha  ka tirsan Ciidamada kana soo jeeda Hirshabelle.

Saraakiishani iyo Sareeyeyaasha ayaa Waxaa Badankoodu ay ahaayeen Jeneraalo Ka Kala tirsan Ciidanka Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed, waxaana Madaxweynaha uu u faah faahiyay sida lagama maarmaanka ay u tahay in laga dulqaado Dadka Shacabka ah Kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed, qorshaha Maamulka uu ku doonayo in la isku furo Wadooyinka Hirshabelle, iyo sidoo kale Doorka Saraakiisha kaga aadan ka qeyb qaadashada arrimahaasi iyo in Waaya aragnimadooda dhinaca Ciidamada ay kaga qeyb qaataan dadaaladaasi Madaxweyne Waare uu wado ee Xoreynta deegaanada Hirshabelle.

Related posts

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025

Kulanka oo waqti  badan ayaa waxaa lagu lafa guray muhiimada ay leedahay in la iska kaashado Ammaanka Deegaannada Hirshabelle iyo Sidii Looga Dulqaadi Lahaa Deegaanada Kooxaha Argagaxisada Ay kaga suganyihiin, Waxaana Saraakiisha oo muujiyay sida ay u garab taaganyihiin Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayna diyaar u yihiin waaya aragnimadooda dhinaca dagaalka iyo ciidamada in ay ku garab istaagaan Maamulka iyo Shacabka Hirshabelle, Maadaama Saraakiisha badankoodu ay yihiin kuwa waaya aragnimo durugsan u leh arrimaha Ciidamada wax badan ku soo dhex jiray.

Madaxweynaha Maamulka  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare soo oo Xiray kulanka ayaa kaga mahadceliyay Saraakiishaasi sida Dareenka leh ay u muujiyeen Waaya aragnimadooda iyo sida diyaarka ay u yihiin in ay la shaqeeyaan Maamulkooda, waxaana sidoo kale uu sheegay in kulamada noocaan ah uu sii wadayo islamarkaana ay iska wareysan doonaan Saraakiisha kale hinaca ammaanka maadaama uu yiri muhiim ay tahay In laga faa’ideysto Waaya aragnimadooda.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Tan iyo Markii la doortay waqtigiisa ugu badan galiyay Dhinacyada ammaanka iyo sidoo la isugu furi lahaa Wadooyinka Xiran si bulshada Go’doonka ku jirta looga dulqaadi lahaa Argagaxisada oo noloshii u diiday, waxaana shirar badan oo arrimahani lagu xoojinayo uu la qaatay Saraakiisha ugu Sareysa Amisom, Iyo Ciidamada Qalabka Sida, waxaana heer gaba gaba ah maraya fulinta howlgal culus oo lagu Ciribtirayo Kooxahaasi, iyadoo  qaarkood hadaba ay ka socdaan Deegaannada Hirshabelle, kuwaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan Dadka Deegaanka.

———–Dhammaad———–

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle

Directorate Of Media & Public Relation Office Of The President Hirshabeelle State Of Somalia

 

Previous Post

Dhageyso: Sida Ciida looga diyaar garoobayo Magaalada Xudur

Next Post

Dhageyso: Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Howlgalo ka wada deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan

Next Post
Dhageyso: Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Howlgalo ka wada deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan

Dhageyso: Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Howlgalo ka wada deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In