Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray Hambalyada Ciidul Fitriga, isaggoo Sanadkaan kiisa xigga u rajeeyey inay ku gaaraan Caafimaad iyo Nabad buuxda.
โUmmadda Soomaaliyeed meel walbo oo Caalamka ay ka joogaan, waxaan ku sallaamayaa Salaanta Islaamka,ย waxaan leeyahay Hambalyo , Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarak, Alle waxaan ka baryeynaa Sanadkaan kiisa xigga in uu nagu gaarsiiyo Caafimaad iyo Nabad buuxdaโ ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo
Madaxweynaha JFS, ayaa Ciidamada qalabka sida, gaar ahaan Ciidanka Xasilinta uga mahad celiyey sida ay ugu dhabar adeegeen in Shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan Kooxda Nabad diidka ah Alshabaab oo uu sheegay inay yihiin Koox caadeysatay daadinta dhiigga Shacabka.
โWaxaan u mahad celinayaa Ciidamada qalabka sida, Ciidanka Xasilinta oo habeen iyo maalin u taagnaa siddii Shacabka Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen Qolooyinkaan Hororka ah oo caadeystay inay Qaraxyo ka geeystaan magaaladda Muqdisho oo ay ku laayaan Shacab, Culimo, Ciroole iyo Dumarโ ayuu yiri Madaxweynaha JFS.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo, ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey la shaqeynta Ciidanka Xasilinta, waxaana uu xusay in Dawladda Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto siddii magaaladda Muqdisho loogu soo dabaali lahaa Ammaan iyo Xasilooni.
โwaxaan u mahad celinayaa Shacabka Soomaaliyeed oo la shaqeeyey Ciidamada Xasilinta oo u dul qaatay Culeysyada uga yimid isu-socdka magaaladda, waxay Dawladda ka shaqeyneysaa siddii magaaladaan ay ugu soo dabaali laheyd ammaan iyo Xasilooni, waa loo baahan yahay wada-shaqeynta Ciidamada qalabka sida iyo Shacabka Soomaaliyeedโ ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa uga digay Argagixisada Nabad diidka ah inay joojiyaan dhibka ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, isaggoo carabaabay in Dawladda ay ka shaqeyn doonto siddii ay uga horgi laheyd falalka argagixisinimada leh ee Kooxda Alshabaab ay geeystaan.
โWaxaan uga dagayaa Qolooyinkaan argagixisada Nabad diidka ah oo caadeystay inay daadiyaan oo ay qubaan dhiigga Shacabka Soomaaliyeed oo Islaamka ah, inay ka waan toobaan oo ay joojiyaan dhibka ay Shacabka ku hayaan, Waxay Dawladda ka shaqeyneysaaย siddii ay ugu hortagi laheyd falalkaas argagixisinimada leh, ayna ku yareen laheyd dhibaatooyinka Shacabka Soomaaliyeed uga imaanaya Argagixisadaโ ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya
Ugu Dambeyn Madaxweyne Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed ku booriyey in laga wada shaqeeyo Nabadda , ayna isku xariistaan, Maalinta Ciidda ahna ay kuwada Ciiddaanย Jawi wanaagsan oo farxad leh.
โ Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ku boorinayaa in laga wada shaqeeyo Nabadda,ย in la isku naxariisto, in la is gargaaro, in lagu wada Ciido Jawi wanaagsan oo farxad leh, Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarakโ ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Halkan hoose ka daawo
https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/videos/1743397689078035/