Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqeyn khasaaro ba’an lagu gaarsiiyay Maleeshiyada Al-Shabaab oo laga fuliyay Gobolka Gedo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Duqeyn khasaaro ba’an lagu gaarsiiyay Maleeshiyada Al-Shabaab oo laga fuliyay Gobolka Gedo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Gobolleedka Jubbaland ayaa maalmihii u danbeeyay waxay howlgal ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab ka wadeen deegaano hoos yimaada degmada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo.

Howlgalada ayaa ahaa kuwo lagu baacsanayay haraadiga Maleeshiyada Al-Shabaab,waxaana laga gaaray guulo la taaban karo.

Related posts

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026

Ciidamada AMISOM ayaa ku soo biiray howlgalka oo duqeymo dhanka cirka ka fuliyay deegaano hoostada degmada Garbahaareey sida deegaanka Ceel-cadde oo maleeshiyada Al-Shabaab fariisin ay ku leeyihiin.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad dhanka Amniga iyo siyaasadda Gobolka Gedo Aadan Siraad Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in Kooxda Argagixisada Al-Shabaab uu khasaaro ba’an ka soo gaaray duqeynta laga fuliyay deegaanka Ceel-cadde iyo deegaanada kale ee hoos yimaada magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay in Maleeshiyada Al-Shabaab duqeynta Khasaaro ba’an ka soo gaartay balse aysan xaqiijin karin inta ay gaarsiisan tahay ayna wadaan baaritaan arrintaan ku aadan.

Sidoo kale,Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Gedo Aadan Siraad Maxamuud ayaa sheegay in todobaad ka hor meel dhowr iyo toban KM u jirta Garbahaareey lagu weeraray Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo dad danyar ah xooga kaga uruursanayeen Xoolahooda,halkaasina looga dilay lix Maleeshiyo hub fara badana lagaga furtay.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dadaal ugu jira sidii Shacabka Soomaaliyeed kaga dul qaadi lahaayeen Kooxda argagxisada Al-Shabaab oo hadda meelo badan oo dalka mid ah laga xoreeyay inta yar ee harsana si dhuumaaleysi dhulka howdka ah ku joogaan.

Previous Post

R/wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u kictimay Dalka Norway

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo faah faahiyay heshiiskii Soomaaliya iyo Ethiopia (SAWIRRO+Dhageyso)

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo faah faahiyay heshiiskii Soomaaliya iyo Ethiopia (SAWIRRO+Dhageyso)

Wasiirka Warfaafinta oo faah faahiyay heshiiskii Soomaaliya iyo Ethiopia (SAWIRRO+Dhageyso)

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026
0

Safiirka JF Soomaaliya ee dalka Yemen Danjire Cabdixakiim Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In