Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo dhammeystirtay maamulka Hawada (Faallo)

admin by admin
June 19, 2018
in Wararka
0
Soomaaliya oo dhammeystirtay maamulka Hawada (Faallo)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Intii uusan ku dhicin bur-burkii heykalkii Dowladnimo ee Dalka Soomaaliya sanadkii 1990-kii waxaa dhisnaa Hey’ado badan oo ay ku xirnan tahay Qaranimada iyo jiritaanka Dadka iyo Dalka ayaa dhammaantod saameeyay bur-burkaasi, kuwaasina waxaa ka mid ah Hey’adda maareeysa Duulista Hawada, taasi oo shaqadeedu tahay inay maamusho Duulimaadyada Diyaaradeed ee Hawada Soomaalia dul mara, iyadoo hageysa Diyaaradahaasi oo isugu jira kuwa Dalka soo galaya oo dagaya Garoomada Gudaha Dalka iyo kuwa mara hawada Dhulka iyo Baddaba.

Haddaba waxa Alle Mahaddiis ah in dhawaan Guud ahaan Maamulka Hawada Soomaaliya ay gacanta Dawlada Federaalka Soomaaliya soo gashay 100%, waxaana Hawada laga Maamulayaa laga bilaabo shalay oo Taariikhda ay ku beegneyd 18/06/2018, Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Duulista Hawada ee Dawlada Federaalka Soomaaliya SCAMA oo ku taal gudaha garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ee Magalada Muqdisho.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa si rasmi ah u daah furay maamulka dhammeystiran ee Hawada dalka, wuxuuna sheegay in soo wareejinta Maamulka Hawada ay daba socdaan Mashruucyo kale oo laguna tababarayo Shaqaalaha Soomaaliyeed, laguna qaadanayo shaqaale cusub, wuxuuna kalsooni ka muujiyay in Shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku filan yihiin hawshan.

“Soo wareejinta hawada waxaa daba socda Mashruucyo kale oo shaqaalaha lagu tababarayo, lagu abuurayo shaqaaleyn cusub lagala wareegayo Ajnabiga ka shaqeynaya oo lagu bedelaayo shaqaale Soomaaliyeed, waxay noo mareysaa meel wanaagsan, hada waxaan kusii shaqeyneynaa sharciyadii iyo hababkii hore iyadoo Shaqaalihii hore ay ka shaqeynayaan laakiin shaqaale cusub oo Soomaali ah ayaa qabsanaya meelaha ugu sareeyay Maamulka (SCAMA).

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in hada wixii ka dambeeya Diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya ay amar ka qaadanayaan Dowlada Soomaaliya halka markii hore dowlada ay bixin jirtay talo maadaama aysan heysan qalab sax ah oo ku filan, wuxuuna intaasi raaciyay in Shaqaalahaan ay markii hore ku shaqeyn jireen qalabkii hore, iyagoo ku sugnaa Mahaalada Nairobe ee Dalka Kenya, balse hadda la siiyay qalab casri ah islmarkaana lagu tababaray.

“Waxaa xusid mudan inta aanan u soo guurin Muqdisho diyaaradaha hawada Soomaaliya maraya waxay naga qaadan jireen Talo, amar nagama qaadan jirin waayoo ma heysan qalab sax ah oo ku filan Maanta wixii ka bilowda amarkii aan anaga farno ayay ku shaqeynayaan, waa xurnimo noo soo noqotay oo kusoo laabatay si heer sare ah”.ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo ka hadlaayay inta goobood oo ay maamuli doonto Muqdisho ayaa sheegay ina laga soo bilaabo Indiya ilaa Muqdisho, Yemen ilaa iyo Muqdisho iyo Badaha Indiya iyo kuwa cas ilaa iyo Muqdisho, isagoo xusay in intaasi waxa mara hawadooda ay mas’uul ka tahay oo ay hageyso Heyadda Duulimaadka Hawada Sare, wixii lacag ahna ay leedahay Dowladda Soomaaliyeed, taasoo lagu soo shubi doono Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Avireo Lopez oo ah madaxa howlgelinta Hey’adda ICOA ayaa waxa uu muujiyey in 27-sanno kaddib ay u muuqato in isku filnaansho ay ka gaartay Soomaaliya dhinaca maamulka Hawada, waxa uu intaa raaciyey in tani ay wadddo cusub u furi doonto wajiga Soomaaliya.

Sida aan la wada soco muddo ka badan 27 sano ayay maamaulka Hawada Soomaaliyeed ka maqneyd gacanta Soomaaliyeed, waxaana laga maamuli jiray mudddaasi Magaalada Nairobe ee Dalka Keenya, maadamaa ay markaasi ka jireen maamul la’aan iyo Dowlado ku meel gaar ahaa, balse dadaal ay wada sameeyeen Xukuumadadihii kala dambeeyay ayaa ugudambeyntii lagu guuleysatay in si buuxda ay Saamaalidu ula wareegto mas’uuliyadda Maamulka Hawada Dalka.

Shaqaalaha laga soo wareejiyay Kenya ayaa isugu jira Soomaali iyo Ajnabi, waxaase la filaayay in goor dhow ay wada ahaan doonaan Soomnaali, leh xirfad iyo aqoon la xariirta howsha hagidda Diyaaradaha, sidaasi awgeed waxa mahad leh Alle subxaana watacaala iyo mas’uuliyiintii juhdiga dheer galiyay suurtogalnimada arrintaani wanaagsan, waxaana lagu tilmaami karaa in mar kale aan Xornimada qaadanay, waayo Soomaaliya ayaa mar kale dhammeystirtay maamulka Hawadeeda.

W.D: C/laahi Ruush

Previous Post

Shir looga hadlayo Xoojinta Howlgalada ka dhanka ah Maleeshiyada Al Shabaab oo Maalintii Labaad ka socda Kismaayo

Next Post

R/wasaare Khayre, Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Norway oo Wadajir u Furay Shirka Madasha Oslo+Sawirro

Next Post
R/wasaare Khayre, Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Norway oo Wadajir u Furay Shirka Madasha Oslo+Sawirro

R/wasaare Khayre, Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Norway oo Wadajir u Furay Shirka Madasha Oslo+Sawirro

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In