Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha CXD oo tabbabar u furay cutubyo ka tirsan ciidanka ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtoyada Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Taliyaha CXD oo tabbabar u furay cutubyo ka tirsan ciidanka ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtoyada Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Jeneral Cabdiwali Jaamac Gorod oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa tabbabar u furay cutubyo ka tirsan ciidanka ururka 60aad ee xoogga dalka, kaasi oo socon doono muddo saddex bil ah.

Gashaanle Dhaxe Odowaa Yuusuf Raage Taliyaha ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtoyada Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda ayaa ciidamada ugu baaqay in ay ka faa’iideestaan muddada uu socdo tababarka iyo waxyaabaha lagu baran doono

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

“Mudane Taliye waxaa halkaan taagan in ka badan 100 askari oo ka tirsan Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada Qaranka waxaan ciidamada maanta loo furayo tababarka ugu baaqayaa in ay ka faa’iidestaan tababarka lasiin doono” ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Odowaa.

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Gaas Cabdiwali Jaamac Gorod ayaa ciidamada Xoogga dalka ugu digay in xilliga shaqada lagu guda jiro in ay isticmaalaan Muqaadaraadka.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed daraagiska waaka xaaraan, wixii qaad cuna oo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka waan ka saareynaa  gaar ahaan kuwa ka tirsan Madaxtooyada Qaranka” ayuu yiri Taliyaha.

Sidoo kale Jeneraal Gorod ayaa sheegay in askarigii lagu helo isagoo iibsanayo hubka dowladda la horgeen doono Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida

“Waxaan kale oo aan digniin adag u dirayaa kuwa caadeestay in ay iibsadaan hubka iyo dareeska ciidanka qofkii lagu helo waxaan horgeyneynaa sharciga, isagoo muteysan doonna xabsi ciidan iyo in laga saaro ciidanka”ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhaqanka dad qalatada ah ee Al-Shabaab Diinta Islmaanka raad kuma laha.

Next Post

Guddoomiye Tuulax “Waxaan u baahanahay Muqdisho oo ammaan ah” Dhageyso  

Next Post
Guddoomiye Tuulax “Waxaan u baahanahay Muqdisho oo ammaan ah” Dhageyso  

Guddoomiye Tuulax "Waxaan u baahanahay Muqdisho oo ammaan ah" Dhageyso  

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In