Tuesday, July 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca oo la kulmay saraakiil ka tirsan Midowga Yurub-Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca oo la kulmay saraakiil ka tirsan Midowga Yurub-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka dhex maray Wasiir difaaca xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) iyo saraakiisha howlgalka midowga Yurub ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay dardargelinta howlaha tabbarada ee Midowga Yurub ee siiyo ciidanka xoogga dalka.

Saraakiishan ka tirsan Midowga Yurub gaar ahaan qeybta tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee loo yaqaaano EUTMS EUROPEAN UNION TRAINING MISSION OF SOMALIA, ayaa wasiirka gaashaandhiga dalka u sharxey halka uu marayo howlaha tabbabarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guulaha arrintaas  laga gaaray.

Related posts

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 7, 2026
Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026

Mudane, Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, ayaa  midowga Yurub ugu mahadceliyay taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya gaar ahaan tayaynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa, ka codsaday Howlgalka Midowga Yurub ee tabbarada ciidanka Soomaaliya in ay labo laabaan howlaha dib  loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, isagoo sidoo kale la wadaagay qorshaha cusub ee uu doonayo in lagu hago dhabbaha loo marayo tayeynta ciidanka xoogga dalka, maadaama uu dhowaan xilkaas uu qabtay.

Saraakiisha howlgalka Midowga Yurub ee tabbarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya  ayaa dhankooda wasiirka difaaca ugu mahad naqay wada shaqeynta cusub ee u balan qaaday, ayagoo tilmaamay in ay sii wadayaan taageerada ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, wasiirka gaashandhigga Soomaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) ayaa kormeerey waaxiyaha wasaaradda isagoo la kulmay shaqaalaha ka howlgala wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shaqaalaha ku booriyay shaqada qaranka u hayaan, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo waqtiga shaqada la soo galay iyo marka laga baxayo.

Kormeerka ayaa waxaa wasiirka ku wehliyay agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga, agaasimaha maamulka iyo maaliyadda iyo howl wadeeno kale oo ka tirsan wasaaradda.

Previous Post

Guddiga sare ee Maamula Booliska Caalamka oo Ciidanka Booliska Soomaaliya u aqoonsaday kuwa ugu wanaagsan Qaaradda Afrika “Sawirro”

Next Post

Madaxwayne Farmaajo oo Jabuti ugu hambalyeeyey maalinta xoriyadda

Next Post
Daawo Muuqaalka Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qadar.

Madaxwayne Farmaajo oo Jabuti ugu hambalyeeyey maalinta xoriyadda

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Baydhabo kulan kula qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula qaatay odayaasha...

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Warbaahinta XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya

July 7, 2026
0

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝟕 𝐋𝐮𝐮𝐥𝐲𝐨 𝟐𝟎𝟐𝟔 –Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xarunta...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Salaada Janaasada ee Imaam Maxamed Yuusuf Cali

July 7, 2026
0

Muqdisho, 07, Luulyo, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay'adaha dowladda, duubabka dhaqanka...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

July 7, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In