Wasiirka Cadaalada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Saldhigga Booliska, Xarunta degmadda Warta Nabadda iyo Xarunta Maxkamadda Degmadaasi, waxaana warbixin uu ka dhageystay Guddoomiyaha degmadda Warta nabadda Zeynab Maxamed Warsame.
Wasiirka Cadaaladda XFS oo warbaahinta Qaranka la hadlay, ayaa sheegay in uu ku dadaalayo siddii nidaamka cadaaladda loo gaarsiin lahaa dhammaan degmooyinka gobolada dalka, isaggoo xusay in la haggaajinayo garsoorka.
Wasaaradda cadaaladda xukuumada fedraalka ah ee Soomaaliya, ayaa wada dadaalo ku aadan siddii loo dhisi lahaa Golaha Adeegga garsoorka dalka.