Wednesday, May 25, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hey’adaha Dadka Naafada ah(Daawo Muuqaal)

June 28, 2018
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Hey’adaha Dadka Naafada ah(Daawo Muuqaal)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

May 25, 2022
Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

May 25, 2022

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuummada Federaalka Soomaaliya oo maanta uu shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hey’adaha dadka naafada ah oo ay golaha hor-keentay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka.

Ugu Horeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuummada Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa golaha uga war bixiyay safarradii uu ku tegay dalalka Norway iyo Rwanda, waxuuna sheegay in natiijooyin wanaagsan ay kasoo bexeen kulamo uu la yeeshay madaxda dalalkaas iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafina, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Aadan Isxaaq, oo ka warbixiyay qodobadii looga hadlay kulanka golaha wasiirrada ayaa sheegay in sharciga hey’adaha dadka naafada ah ee goluhu ansixiyay uu caddeynnayo xuquuqda ay leeyihiin iyo daryeelka ay u baahanyihiin dadka baahiyaha gaar ah qaba.

Gololaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhagaystay Wasiiru Dawlaha amniga gudaha iyo wasiirka gaashaandhigga dalka oo ka hadlay amniga guud ee dalka, horumarrada la gaaray iyo qorshayaasha cusub ee hanashada amaanka dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska, Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayaa golaha wasiirrada warbixin ka siiyay sida howsha u wadaan guddiga uu madaxda uu u yahay ee loo xil saaray Xuska sanad-guurada 58-aad ee Todobaadka Xorriyadda.

Ugu danbeyn golaha wasiirrada ayaa ansixiyay xisaab xirka miisaaniyadeed ee sanadka 2017 oo ay golaha usoo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Xukuummada Federaalka Soomaaliya.

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda XFS oo kormeeray Maxkamadda Degmadda Warta Nabadda “Sawirro”

Next Post

Sinigal Oo Koobka Aduunka Ugu Hartay Jaalleyaal

Next Post
Sinigal Oo Koobka Aduunka Ugu Hartay Jaalleyaal

Sinigal Oo Koobka Aduunka Ugu Hartay Jaalleyaal

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

Wasiir Maaliyadda XFS oo dowladda Uk kala hadlay kordhinta taageerada Maaliyadeed

May 25, 2022
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa kulan muhiim ah la qaatay mas’uuliyiinta Dowladda UK oo kala...

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

Shirka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya Equatorial Guinea

May 25, 2022
0

Magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Midowga...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Baay

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Baay

May 25, 2022
0

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal qorsheeysan...

Arday lagu laayay Mareykanka

Arday lagu laayay Mareykanka

May 25, 2022
0

Ugu yaraan 18 qof oo Arday u badan ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday dugsi hoose oo ku yaalla magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In