Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca oo la kulmay saraakiil ka socota Mareykanka, Midowga Yurub iyo Turkiga-Sawirro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca oo la kulmay saraakiil ka socota Mareykanka, Midowga Yurub iyo Turkiga-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya mudane, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay saraakiil ka socota howlaglka Mareykanka ee Soomaaliya, Midowga Yurub iyo saraakiisha xeradda tabbabarada TURKISOM ee lagu tabbabaro ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Kulanka, ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta tayaynta iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo u diyaar garowga ka bixitaanka ciidanka AMISOM, kaas oo loogu magac daray qorshaha kala guurka.

Related posts

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

October 12, 2025

Mudane, Xasan Maxamed (Amar-dambe) wasiirka Gaashaandhigga dalka oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in kulanka sidoo kale looga wada hadlay qorshaha wada shaqeyneyd ee arrintaas ku aadan oo ay wada yeelanayaan wasaaradda Gaashaandhigga iyo wadamada iyo hey’adaha caawiya dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Kulanka, oo qaatay saacado badan, ayaa labada dhinac waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in qorshaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka ee wasaaradda Gaashaandhigga ay hormuud ka tahay loo baahan yahayin si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa tan iyo markii xilkaas loo magacaabay waxaa uu xil weyn iska saaray sidii looga miro dhalin lahaa qorshaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, isagoo kulamo iska daba joog ah oo arrintaas ku aadan la yeelanaya dhammaan dhinacyada howshaas ay khuseyso.

Previous Post

DFS, Bangiga Adduunka iyo Bahwadaagta Caalamka oo ka wada hadlay Barnaamijka Cusub ee Kaararka Aqoonsiga “Sawirro”

Next Post

Wasaaradda Amniga Soomaaliya iyo Wasaaradaha amniga dowlad goboleedyada oo isku afgartay dhisida ciidanka ilaalada xeebaha dalka + Sawirro

Next Post

Wasaaradda Amniga Soomaaliya iyo Wasaaradaha amniga dowlad goboleedyada oo isku afgartay dhisida ciidanka ilaalada xeebaha dalka + Sawirro

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

Ciidamada Qaranka Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Xubno Khawaarijta Ka Tirsan

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO(AFGOOTE):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose ku qabtay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta,...

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

Soomaaliya Oo Maanta Laga Xusayo Maalinta Calanka Ee 12-ka October

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 71-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay...

Guddoomiye Muungaab Oo Xarigjaray Dayactirka Dugsiga WaxarCadde

Guddoomiye Muungaab Oo Xarigjaray Dayactirka Dugsiga WaxarCadde

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga...

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In