Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Amniga Soomaaliya iyo Wasaaradaha amniga dowlad goboleedyada oo isku afgartay dhisida ciidanka ilaalada xeebaha dalka + Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo saacada badan qaatay ayay wasiiradda Amniga ee dowlad goboleedyada iyo wasaaradda amniga ee dowladda federaalka waxa ay dood dheer uga yeesheen dhismaha ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka.

Shirka waxa guddoominiayay wasiir ku xigeenka amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Saciid waxaana ka qeyb galay wasiirada amniga dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, Hisrahbeelle, Koofur galbeed iyo jubbaland waxa kale oo joogay xubin matalaysay gobolka Benaadir iyo saraakiil qubaro ku ah amniga xeebaha.

Related posts

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026

Dood dheer kadib waxa ay wasiirada amniga isku raaceen hashiis is afgarad ah oo lagu dhisayo ciidanka ilaalada xeebaha dalka waxaa war murtiyeedka warbaahinta u aqriyay Wasiir ku xigeenka amniga dowladda Federaalka Mudane cabdinaasir Saciid.

” dood dheer kadib waxaan isku raacnay 1 Dhisida ciidanka ilaalada xeebaha dalka oo ka kooban heer  federaal  iyo heer dowlad goboleed oo ah booliis 2 waxaan isla garanay sameynta guddi farsamo oo ka shaqeeya dajinta siyaasadda, qorshaha dhismaha ciidanka iyo hormaruntooda  3 waxan isla garanay in loo baahan yahay quburo la taliyayaal dhinaca badda 4 masaafada iyo baaxadda ay ka howlgalayaan ciidanka labada heer ah waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Amniga Qaranka” Ayuu yiri wasiir ku xigeenka Amniga

Wasiirka Amniga  dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ku hadlay afka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ayaa sheegay in go’aanka dhismaha ciidanka ilaalada xeebaha inuu ku yimid wadatashi iyo wadajir.

Wasiiro dowlaha amniga Gudaha Soomaaliya ahna ku simaha Wasiirka Amniga Mudane Maxamuud Maxamed Bono  waxa uu tilmaamay in go’aanka dhismaha ciidanka ilaalada xeebaha uu muujinayo baseel, mudan yahayna in lagu daydo.

Dhismaha ciidanka ilaalada xeebaha dalka ayaa muhiim u ah la dagaalanka kaluumaysiga sharci darada, sunta lagu soo daadiyo xeebaha dalka  iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan kaaluumaysatada Soomaaliyeed.

 

 

Previous Post

Wasiirka Difaaca oo la kulmay saraakiil ka socota Mareykanka, Midowga Yurub iyo Turkiga-Sawirro

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka + Sawirro

Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka + Sawirro

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka + Sawirro

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

February 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha...

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay  Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In