Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray Dugsiga tababarka ee Jeneraal Goordan “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray Dugsiga tababarka ee Jeneraal Goordan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Khamiistii Shalay kormeer ku tagey Dugsiga tababarka Ciidamada Gen; Goordan ee Magaaladan Muqdisho.

Mudane; Kheyre oo halkaasi kula hadlay Ciidan ka tirsan Guutada 14-ka October ee CDS oo uu Xeradaasi tababar ugu soconayay ayaa sheegay in Dal kasta oo burbur kasoo kabsanaya ay ciidankiisu yihiin kuwa bad-baadiya naftoodana u hura.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirrada difaaca iyo amniga, abaanduulaha Ciidanka iyo saraakiil kale oo ka tirsan CXD ayaa halkaasi Qado kula qaatay, isagoona xog warastay qaar kamid ah Askarta si uu wax badan uga ogaado noloshooda, tababarka ay qaadanayaan iyo sida ay heeganka ugu yihiin difaaca Dalka iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah.

“Dal buburay waxaa dhisi kara ciidan, nabad la waayay waxaa soo celi kara ciidan, dawlad taag daran waa quwad iyo xoog u yeeli kara ciidan. Cawdawga dibadda iyo gudaha laguma difaaci karo qabiil ee waxaa lagu difaaci karaa ciidan qaran oo idinka oo kale ah. Maanta dalkeenna waxaa bad-baadin kara ciidan aan daacad u aheyn qabiil, qolo iyo dan gaar ah”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Ciidanka u ballan qaaday in xaquuqda ay qaranka ku leeyihiin u heli doonaan si joogta ah si lamid ah shaqaalaha iyo Hawl-wadeennada kale ee dawladda.

Ciidankaan oo loo diyaariyay in ay kooxaha argagaxisada ka saaraan deegaannada ay uga suganyihiin dalka ayaa u badan dhalinyaro aqoonyahanno ah, waxa ayna ciidanka kusoo biireen kadib musiibadii 14-kii Obtober ee sannadkii hore si ay uga qeyb qaataan horumarinta amniga iyo difaaca dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ugu danbeyn kulan gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidanka xoogga dalka iyo tababarayaasha oo uu kala hadlay arrimo ay kamid yihiin sare u qaadidda tababarrada, difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Previous Post

Muhiimadda uu u leeyahay Soomaaliya Shirka Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha “Dhageyso Wareysi”

Next Post

Duqa Muqdisho oo furay xafiiska diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha+Sawirro

Next Post
Duqa Muqdisho oo furay xafiiska diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha+Sawirro

Duqa Muqdisho oo furay xafiiska diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha+Sawirro

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

Wasiirka Qoyska XFS oo Golaha Shacabka ka hor-akhriday sharciyo muhiim ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gabagabaysay tababar ku saabsan diyaarinta iyo haqangelinta miisaaniyadda hay’adaha dowliga ah

August 30, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa maanta soo gebagabeysay tababar muddo 14 maalmood ah socday, kaas oo lagu baranayey diyaarinta iyo...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In