Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku casumay wiil dhallinyaro ah

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan magaalada Addis-Ababa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marti qaad u fidiyey wiil Soomaali ah oo ku nool dalka Maraykanka, kaas oo ku guuleystay tartanka Quraanka Kariimka ah.

Axmed Burhaan Maxamed oo ku guuleystay abaalmarinta Dubai ee caalamiga ah, isagoona ka guuleystay in ka badan 100 qof oo adduunka ka kala yimid, kuna tartameyey Quraanka Kareemka ah ayaa lagu wadaa toobaadkan in uu soo gaaro Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Axmed oo 17 jir ah ayaa u sheegay warbaahinta dalka Maraykanka in uu aad ugu  faraxsan yahay xiriirka ay la soo sameysay Madaxtooyada Soomaaliya, isla markaasna ay qiimoweyn u leedahay in uu la kulmo Madaxweyne Farmaajo.

“Waa wax aad u farxad badan, ma aanan fileynin. Waxay iiga dhigantahay maamuus iyo ixtiraam aad u badan.”ayuu yiri Maxamed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tan iyo xilka inta uu qabtay waxa uu maamuus iyo marti qaad u sameeyey qaar ka mid ah dadka hal abuurka leh sida abwaanno,qorayaal, ciyaartooy  farshaxanaystayaal, iyo dhallinyaro kaalimaha hore ka galay tartannada Quraanka Kareemka ah.

Previous Post

Maamulka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug oo Maanta bilaabay Dhismaha Buundo Biyihu maraan

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Maaliyadda

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Maaliyadda

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Maaliyadda

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In