Thursday, October 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Furay kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Furay kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koofur galbeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

October 16, 2025
Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

October 16, 2025

Xafladda Furitaanka kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, ayaa waxaa Ka qeyb galay Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna gudoomiyaha golaha Shacabka ,Madaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur gaalbeed, Guddoomiyaha Golaha wakiilada ee Dowlad goboleedka koonfur gaalbeed, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka, Xildhibaanada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ,Xafiiska Qaramada Midoobay iyo Ururada Bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Ka hadlay waxyaaabihii u qabsoomay golaha wakiilada ee Dowlad goboleedka koonfur gaalbeed isagoo sheegay in waxyaabaha kalfadhigan horyaala ay Ka mid yihiin dejinta iyo diyaarinya habraaca doorashada Madaxtinimo ee Dowlad goboleedka koonfur gaalbeed oo dhowr bil Ka dib dhici doona.

Qaar Ka mid ah Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka oo xaflada Ka hadlay ayaa  u Mahad celiyay howlaha ay dadka iyo deegaanada koonfur gaalbeed u qabteen golaha wakiilada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay golaha mudadii uu shaqeynayay uu wax badan qabtay isagoo sidoo kale sheegay in maamulkiisa uu wax badan ka qaban doono cabashada ay soo gudbiyeen Shacabka ku safra wadooyinka isku xira Magaaladda Muqdisho iyo Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kusimaha Madaxweynaha jamhuuriyadda ahna gudoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo si rasmi ah u furay kalfadhiga 5-aad ee golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ayaa aad u amaanay iskaashiga iyo wada shaqeynta wanaagsan ee ka  dhaxeysa Shacabka iyo madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed, wuxuna sidoo kale u mahad celiyay golaha wakiilada koonfur galbeed howlaha ay haayaaa

Guddoomiyaha golaha Shacabka waxaa uu sheegay in qorshaha uu yahay in la sii xoojiyo xiriirka wada shaqeynta iyo iskaashiga ku dhisan ee Ka dhaxeeya golaha Shacabka iyo golayaasha sharci dejinta ee Dowlad Goboleedyada, isagoo tilmaanay in Maadaamaa Dalka uu qaatay nidaamka federaalka loo baahanyahay in maamulka loo de dejiyo min degmo ilaa tuulo si maamulka hanaanka dowlad wanaaga uu u gaaro dadka deegaanada  ku nool.

Previous Post

Tababar loo qabtay qeybaha bulshada ee Beladweyne “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan dhiiri gelin ah la qaatay Saraakiisha dhalinyarada ah ee Booliska “SAWIRRO”

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

October 16, 2025
0

By H.E. Bihi Iman Egeh, Minister of Finance, Federal Government of Somalia, and Hideki Matsunaga, Country Manager, World Bank Group,...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

October 16, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta ka heshay abaalmarin iyo aqoonsi heer caalami ah shirkii World Food Forum, taasoo...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha cusub ee la doortay ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka EAC

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka EAC

October 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo la kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In